|

Warbixin:- Siyaasiyiinta Reer Awdal Oo Aan Saamayn Ku Lahayn Loolanka Kulmiye

GALBEEDHargeysa,4Oct,2015(QJ/SDN)-  Siyaasiyiinta xukumadda Siilaanyo iyo xisbigeeda Kulmiye ugu jira bulshada reer Awdal ayaan lahayn saamayn ka dhex muuqata loolanka loogu jiro hogaanka xisbiga Kulmiye, gaar ahaana Musharaxnimada Madaxweyne, guddoonka golaha dhexe iyo jagooyinka guddoomiyenimo ee xisbigaasi.

Shirka golaha dhexe ee Kulmiye oo loo asteeyay 10-ka bisha November 2015 inuu qabsoomo ayaa dedaalada musharaxiinta jagooyinka xisbigaasi la dareemayaa, kuwaasi oo aanay ilaa hadda ka dhex muuqan siyaasiyiinta Awdal.

Wariyaha Telefishanka Startv ee gobolka Awdal ayaa sheegaya in bulshada Awdal is weydiinayso sababta aanay saamayn u yeelan Siyaasiyiinta Kulmiye yahanka ah ee reer Awdal, iyagoo sidoo kalena shaki kaga jiro in madaxweyne xigeenka Somaliland yahay musharax u taagan jagooyinka Kulmiye ee madaxnimada iyo kuxigeenka.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu soo qaaday magacyada iyo xilalka ay hayeen siyaasiyiin hadda aan saaxadda ka muuqan oo madaxweyne Siilaanyo xilal u dhiibay balse uu ka qaaday, kuwaasi oo ka baxay saaxadda siyaasadda Somaliland.

Halkan Hoose Ka Daawo Warbixintaasi Oo Dhameystiran:

QJ/SDN: Hargeysa

Comments are closed