|

Wariyeyaashii Telefishanka Universal ee Muqdisho iyo Xaruntoodii oo la Xidhay iyo Sababaha Keenay

Muqdisho 03.Oct 2015 (SDN/QJ)- Maamulka telefishanka Universal ayaa xaqiijiyay in magaalada Muqdisho ay ku xiran yihiin Cabdullaahi Xirsi Kulmiye iyo Cawil Daahir Salaad oo katirsan wariyeyaasha ka hawlgala telefishanka.

Cabdulaahi-Xersi2

Labada wariye ayaa waxaa xiray askar katirsan ciidanka Nabadsigidda Soomaaliya, sida uu warbaahinta u sheegay madaxa wararka Universal, Maxamed Axmed Xaaji (Cagma-dhige).

Cagma-dhige ayaa xusay in wariyeyaasha loo barnaamij ay xildhibaanno katirsan baarlammaanka Soomaaliya dood kula wadaageen dad shacab ah oo ay uga jawaabayeen su’aalo la xiriira siyaasadda Soomaaliya ee xilligan.

Maamulka telefishanka Universal ayaa cambaareeyay xarigga labada wariye iyo shaqo joojin lagu sameeyay xafiiska telefishanku ku leeyahay magaalada Muqdisho, wuxuuna tilmaamay in arrinta loo wajahay si sharci darro ah.

Wali majirto cid katirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo ka hadashay xarigga labada wariye iyo shaqo joojinta xafiiska Universal ee Muqdisho.

Cawil-daahir2Cabdullaahi Xirsi Kulmiye ayaa ah madaxa Universal ee Afrikada Bari, halka Cawil Daahir Salaad-na uu yahay soosaaraha barnaamijka lagu magacaabo Dood-wadaag oo ah barnaamijka ay hadda u xiran yihiin

 

 

Comments are closed