|

Amiin Caamir Oo Sawir Ku Muujiyay Cabudhinta Saxaafadda Soomaaliya iyo Faragelinta Itoobiya

Hargeysa,3Oct,2015(QJ/SDN)-Farshaxanka caanka ku ah Sawir kartoonka inta badana arrimaha siyaasadda ku cabiray Aamiin Caamir, ayaa sawir ku muujiyay sida dowladda soomaaliya gaar ahaan kooxda damu-jadiid iyo itoobiya ay iskooga kaashadaan cabudhinta saxaafadda iyo shacabka soomaaliyeed.

Maalinkii shalay uun bay ahayd markii ciidamo ka tirsan kuwa dowladda soomaaliya ay gudaha u galeen mid ka mid ah tv-yada ka hawl-gala magaalada muqdisho, iyagoo halkaasi xayiraad ku saaray tv-gii sidoo kalana xabsiga dhigay maamulkii tv–ga iyo wariye ka tirsanaa shaqaalaha tvga.

waxaana ay arrintani ka danbeysay ka dib markii tvgaasi uu ka baxay barnaamij lagaga hadlaayay arrimaha federaalka iyo ammaanka dalka soomaaliya iyadoo intii uu barnaamijkaasi socday dhaliilo loo soo jeediyay dowladda soomaaliya iyo weliba faragelinta dowladda itoobiya ku hayso dalka soomaaliya.

dam-jadiid

QJ/SDN: Hargeysa

Comments are closed