|

Muqdisho: Laba Wariye Oo Galabta Xabsiga La Dhigay.

Muqdisho,2Oct,2015(QJ/SDN)-Ciidamada Ammaanka  magaalada muqdisho ayaa xabsiga dhigay agaasimaha TV-ga Universal ee bariga Africa Cabdilllaahi Xirsi Kulmiye iyo Cawir Daahir Salaad oo ka mid ah wariyaasha tv-ga.

muqdisho soomaaliya

Labada wariye ayaa magaalada muqdisho lagu xidhay galabnimadii maanta, waxaana la sheegayaa in xadhigoodu uu ka danbeeyay ka dib markii ay tabiyeen barnaamij lagaga hadlaayay  arrimaha ammaanka iyo federaalka dalka soomaaliya, oo ay ka qayb-galeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda kaasi oo si Toos (Live) ah uga baxaayay Tv-ga.

wariye cawil

Labada wariye ayaa la dhigay xabsi ku yaalla godka jilacow ee magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah ehelada labada wariye.

Dowladda Soomaaliya illaa hadda wax war ah kama soo saarin xadhiga labadaas wariye, waxaana la sheegayaa in xadhigaas dhacay saacado yar ka dib markii uu barnaamijkaasi hawada ka baxay.

Halkan Hoose Ka Daawo Barnaamijka Loo Tuhunsanyahay In Wariyayaasha Lagu Xidhay:

QJ/SDN: Muqdisho

 

Comments are closed