|

‘’Qofka Ishaaro Jiidha si Toos Ah Ayaa Loo Ganaaxi Doonaa…’’’ Maayar Soltelco

Hargeysa,2Otc,2015(QJ/SDN)-Maayarka Casimaada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid [Soltelco] ayaa  ka hadlay nalka kala haga baabuurta [ishaarooyinka] ee ay dawladda hoose ku xidhay qaar kamid ah waddooyinka faras magaalaha Hargeysa, kuwaas oo uu sheegay in ay dhawaan dhaqan gelin doonaan. Cabdiraxmaan-Soltelco, oo shalay warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa waxaa kale oo uu ka warramay kal-fadhigii todbnaad ee golaha  oo uu soo xidhmay golaha deegaanka ee caasimadda Hargeysa, iyada oo ajandayaashii uu huwanaanna ay meel mariyeen. Maayarku waxaa uu ugu horeyn shirkiisa jaraa’id ku bilaabay sidan: “Maanta [shalay] waxaanu shirkan jaraa’id u qabanay dhawr arrimood, waa midda hore’e waxaanu saxaafadda ka codsanaynaa waa ogaysiis’e in ay qaranka ku darsadaan baahintiisa oo ay si xidhiidh ah u sii daayaan arrintan

Waa midda labaad’e waxaa golaha deegaanka u soo xidhmay kal fadhigii 10aad, ajandayaashii lagaga hadlayayna waa la ansixiyey. Midda kale waxaa maalmahanba tijaabo ku jira oo sidaad la socoteen aanu dhaqan gelinay ishaarooyinkii, kuwaas oo maanta [shalay] bilaabmay kuna eeg arbacada dembe. Wixii ka dembeeyana  qofka ishaaro jiidha si toos ah ayaa loo ganaaxi doonaa oo ay ciidammada taraafigu ka hawl geli doonaan. Ishaarooyinkaas waxaanu ku bilownay lix isgoys, waxaana toddobadaas cisho aanu eegaynaa wixii farsamo ahaan la arko sida ay waddooyinku u kala muhiimsan yihiin, qofkastaana ra’yigiisa ayuu kasoo dhiiban doonaa”.  Sidaa ayuu yidhi Maayarku, waxaanu intaa ku daray

soltelco“ waxaanu dadweynaha leennahay hala ilaaliyo [ishaarooyinka] oo hala dayactiro, waa ogtihiin wixii ishaarooyinkii uu Maayar Cawl sameeyey ku dhacay oo waxaa jajabiyey shacbiga, sidaas darteed waxaan idin leeyahay shacbiyahow ishaarooyinku waxa ay kamid yihiin hantida aad leedihiin oo cashuurta la idinka qaado ayaa lagu soo iibiyey ee ilaashada oo cidina yaanay wax yeelin”. Ayuu hadalkiisa ku ladhay duqa caasimaduu.  Sidoo kale waxaa uu ka hadlay in si kumeel gaadh ah loo joojiyey kaalmaha shidaalka ee magaalada dhexdeeda si khaldan looga dhisay, waxaanu sheegay in illaa inta la samaynayo xeerkii kaalmaha ay hakad gelinayaan in kaalmo cusub la furo, “ aqbali maayo foostooyin iyo bar yar in la dhex dhigo magaalada, qof kasta oo ganacsade ah oo samaysan karaana ma jiro, arrintaasna guddi ayaanu u saarnay” ayuu yidhi Mr. Soltelco.   Dhinaca kale waxaa uu shaaca ka qaaday in ay macradada baabuurta u diyaaariyeen dhul gaar ah oo ay dhawaan u rari doonaan,  sidaas darteed uu uga digayo dadweynaha in ay guryahooda wajahadaha waddooyinka ku yaalla ay dhalan rogaan kana sameeyaan macradyo baabuur.  Arrimaha kale ee Mr. Soltelco ka dhawaajiyey waxaa kamid ah xerooyin jaadka u gaar ah iibintooda in ay ka samaynayaan darafyada magaalada, isla markaana ay hadda wixii ka dembeeya mamnuucayaan in magaalada gudaheeda lagu iibiyo jaadka, “ waxaan u sheegayaa dadweynaha in hadda wixii ka dembeeya aanu mamnuucnay isla markaana joojinay in magaalada dhexdeeda lagu iibiyo jaadka,  waxaanu jaadlayaasha u hirgelinay afar xero jaad oo laga dhisi doono koonayaasha magaalada” ayuu yidhi Maayarku.

Xigasho: Hubaal

Comments are closed