|

Qisas Dhab ah oo Qiiro Gelinaya Qof kasta Iyo Xanuunka Dhibeed ee Gaadhay Xujaydii ku Waxyeeloobay Mina

Jida 01.Oct 2015 (SDN/QJ)- Xaaji Ibraahiim Sacadi, oo Carab ah, ayaa isaga oo dul taagan maydadka saddexdiisa saaxiib oo weli yaallay halkii shilku ka dhacay, waxa uu ka sheekaynayaa qisadan xanuunka badan ee ku dhacday, “Waxa aan jeclaan lahaa in baadhitaankii adkaa ee aan faqayey burburka iyo maydadka dhexdooda ku soo helo saaxiibbadaydii saddexda ahaa oo nool, laakiin waa ay shahiideen, waxaa jiidhay mawjadaha dadka ahaa.

Picture3
Hal saac iyo badh markii aan raadinayey, ayaa aan aakhirkii dul imid iyaga oo mayd ah” Sacdi oo sii wata hadalkiisa ayaa sharraxay sida ay wax u dhaceen, “Markii aanu u baxnay dhinaca dhagax-tuurka,ee aanu marayno shaaraca Al-Carab ayaa ay iga codsadeen in aan xagga hore biyo nooga soo iibiyo. Sidii ayaa aan yeelay oo shaaraca ayaan ku weecday. Intii aan biyaha ku maqnaa ayaa mawjadihii dadka ahaa ee is jiidhay i dhaafeen oo xagga dambe ayaa aan kaga soo beegmay.

Cidhiidhiga ayaa aad u badnaa oo qunyar ayaa aan socday, laakiin ilbidhiqsyo gudahood ayaa shaaracii oo dhan hawaduka xidhantay cidhiidhiga awgii. Markii baroortii dumarka iyo qayladii cirka isku shareereen ayaa aniga iyo tiro badan oo xujaajtii xagga dambe soo socotay ahi aanu dib dhaqso ugu noqonnay. Markaas ayaanu dhacay wixii dhacay”
Xaaji Sacdi oo ka waramaya heerka saaxiibtinimada ka dhaxaysay saddexda xaaji ee shahiiday ayaa yidhi, “Illaa carruurnimadii saaxiibbo ayaa aanu ahayn. Waxbarashadii yaraanta ayaanu soo wada bilownay, deegaan keliya ayaa aanu wada deggenayn. Sannadkan horraantiisii ayaa aanu ku heshiinnay in aanu hal mar soo wada xajno, oo weliba aanu kharashka iska kaasahanno si aanu isaga bixin karno lacagta ay xamladdu naga rabto”
Ilme yar oo labadiisii waalidba shahiideen:
Dad badan dareenkooda waxaa ruxay sawir naxdin leh oo uu faafiyey afhayeenka rasmiga ah ee haayadda Bisha Case ee gobolka Makah. Barta uu ku leeyahay Twitter ka ayaa uu soo dhigay mid ka mid ah shaqaalaha badbaadinta dadkii ku waxyeelloobay oo laabta ku haysta wiil yar oo labadiisii waalid ay ku geeriyoodeen shilkii is-jiidhkii xujayda ee ka dhacay Mina.
Sawirkan oo si aad u weyn dadyow kala duwani u qaateen uguna faafiyeen bar-kulannada bulshada ayaa dadka ku beeray xanuun iyo u calool dabaca ilmahan yar ee aabihii iyo hooyadiiba xijaabteen, dhinaca kalana waxa ay dad badani ammaaneen shakhsiyad wanaagga ka muuqda ninkan ilmaha yar soo badbaadiyey ee laabta gashaday.
Marka laga tago dareenka laga qaadanayo bani’aadamnimada ninkan shaqaalaha badbaadada ka mid ahaa, waxaa dad badan oohin iyo murugo ku beeray da’da aadka u yar ee ilmahan labadiisa waalid waayey iyo masiirka Alle oo keliyi og yahay ee sugaya.
Xaajiyad naftu ka gurmayso oo ashahaadda loo qabanayo:
Muuqaallada kale ee naxdin iyo jidhidhicada ku beeray dadka waxaa ka mid ahaa, nin ka mid ah kooxaha ammaanka Sucuudiga ee soo dhex galay xujayda si loo badbaadiyo, oo inta uu dul fadhiyo xaaji naftu ka gurmayso ashahaadda u qabanayey. Askarigan ayaa si kedis ah ugu soo baxay mid ka mid ah xujayda ka yimi Koonfurta-bari ee Eeshiya oo naftu ka sii gurmayso, waxa aanu la dul fadhiistay ashahaadda oo inta uu gacantiisa sameecad uga dhigay dhegta Xaajiga oo uu afka ku dhoweeyey kor ugu celcelinayey ashahaadda si uu u maqashiiyo una xasuusiyo. Askarigan oo murugo iyo qiiro badani ka muuqato ayaa gacantiisa saaray laabta xaajigan, uguna celcelinayey ereyada Ashahaadda.
Intani waa qisas kooban oo ka mid ah boqollaalka sheeko ee qiirada iyo murugada badan ee warbaahinta kala duwan ee dunidu ay ka soo tebinaysay mashaqadii dadka badani ku le’deen ee dhowaan ka dhacday xaramka barakaysan, kadib markii ay is-jiidheen xujay aad u tiro badan oo marayey jidka Shaarac 204 ee taga dhagax-tuurka Jamaraat iyo kuwo soo dhammaystay dhagax-tuurka oo si qalad ah uga hor yimid, halkii ay sida caadiga ah ka mari jireen jid kale oo noqoshada oo keliya loogu talagalay.
Marka laga tago neef qabatowga iyo huurka ka dhashay labada milyan ee qof ee isku jiidhay Mina, sababta ugu badan ee dhimashadu waxa ay ahayd heer-kulka cimilada oo marayey halkii ugu sarraysay, taasina ay dhulkii u beddeshay raran dab ah oo cidda ku dhacda ee cabbaar jidhkeedu dhulka haysta uu dubku ka dhaco gubasho daranina soo gaadho.

Dhammaad.

 

Comments are closed