Komiishanka Doorashooyinka Qaranka oo ku Fashilmay Bilaabida Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo Shin dhaaftay DAAWO
Hargaysa 01.Oct 2015 (SDN/QJ)- Komiishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa ilaa ku Guul daraystay qabashada Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo Xiligii ay u asteeyeen ka dib dhacday,Waxaa kale oo aan Muuqan abaabul iyo u diyaar garow ay ku hawlan yihiin Komiishanka Doorashooyinka Qaranku.
Komiishanka ayaa u qabtay inay Bilaabayaan hawsha Diiwaangelinta Bishii July ee Sannadkan Iyadoo ay ka horayso Wacyigelin la xidhiidha Diiwaangelinta iyo Diiwaangelin Tijaabo ah oo farsamo ahaan la qabtay balse talaabadii ku xigi lahayd ay meesha ka maqan tahay,arrimahani waa kuwa inta badan sababa dib u dhac ku yimaada xiliga la rabo inay dalka ka qabsoonto doorasho Xor iyo Xalaal ah.