“Xisbiga Kulmiye Wax tartan ahi kama dhici doono,Aniguna Waxaan Madaxweyne ku Xigeen u noqonayaa Kolba Sadexda Murashax koodii soo Baxa” Xildhibaan Indho Indho DAAWO
Hargaysa 01.Oct 2015 (SDN/QJ)- Xildhibaan C.qaadir Indho Indho oo ka Mid ah Golaha Guurtida Xiligana ku magacaaban Afhayeenka Golaha Guurtida ayaa Shaaciyey inuu u Taagan yahay Qabashada Mansabka Madaxweyne Ku Xigeenka Kadib marka uu Furmo Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo uu Xubin ka Yahay.
Waxa uu Xildhibaanku xusay inaan Wax tartan ahi ka dhici doonin Xisbiga Kulmiye isagoo intaas ku daray in Murashixiinta kala ah Muuse Biixi, Maxamed Biixi iyo Cabdi Casiis Samaale Marba koodi soo baxa inuu u noqonayo Madaxweyne ku xigeen.