|

“ Waxaan U Mahadcelinayaa Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Somaliland Oo Dib-U-Habayn & Isbedel Wacan Ku Wada Garsoorka Dalka & In Shacab La Mariyo Habka Dacweynta MADANIGA Ah” Gudoomiye Cirro

gud cirroHargeysa,1Oct,2015(QJ/SDN)-Gudoomiyaha Gollaha Wakiiladda Somaliland,ahna Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, MD. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan-cirro),ayaa soo dhaweeyay go’aankii ay Maxkamadda Gobolka Hargaysa ku amartay in la sii daayo Xubnihii Xidigaha Geeska ee lagu xidhay Magaaladda Hargaysa,kuwaas oo shalay Xoryadooda loo soo celiyay. Gudoomiyaha ayaa sidoo kale u mahad-celiyay Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee Somaliland,kaas oo ku majiirtay dib-u-habaynta balaadhan ee uu ku sameeyay Laamaha Garsoorka Dalka. Gudoomiyaha ayaa sidaas ku sheegay qoraal kooban oo uu ku baahiyay Bartiisa Xidhiidhka Bulashada ee FACEBOOK-ga “Waxaan u mahadcelinayaa Garsooraha Maxkamadda Gobolka Maroodijeex Garsoore Axmed Dalmar Ismaaciil oo amray in lasii daayo Xubnihii Xidigaha Geeska ee sida sharci-darrada ahaa ugu xidhnaa Hargeysa. Garsooruhu wuxuu ku dhiiraday goaan geesinimo leh oo sharci ah. Waxaan kaloo u mahadcelinayaa Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Aadan Xaaji Cali Axmed oo dib-u-habayn & isbedel wacan ku wada Garsoorka dalka & in shacab la mariyo habka dacweynta MADANIGA ah”

Comments are closed