Muxaadiradii u danbaysay ee Habeenkii Xalay ee SH,Mustafe Xaaji Ismaaciil “WAA KUMA AQOONYAHAN” {DHAGAYSO}
Hargeysa, 29 Sep 2015 (SDN/QJ)-Waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa muxaadiroo uu cinwaankeedu ahaa Waa kuma Aqoonyahan oo xalay lagu qabtay magaalada Hargeysa. Muxaadiradan oo ay soo qabanqaabisay Jaamacadda Islamic Online University, ayaa waxa ka soo qayb galay dad tiradoodu ku dhow dahay 3000 oo qof.
Waxaana muxaadiradan jeediyey Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaruun. Sheekh Mustafe ayaa si gaar ah isu dul taagay aqoontu maxay tahay, aqoonyahan noocee ah ayay dadka Soomaaliyeed u baahan yihiin? Goor ma ayaa qofka lagu tilmaami karaa aqoonyahan? Iyo qodobo kale. Waxaana bahda Gacanlibaaxmedia sharaf u ah inay muxaadiradan idiin soo gudbiso.
Ku soo dhawaada muxaadiradii iyo Sheekh Mustafe.
GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO MUXAADIRADA WAA KUMA AQOON YAHAN
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/AQOONYAHANSHEEKH.mp3″]