|

Maxkamada Hargeysa oo Rumaan u Dirtay Hoboladii Xidigaha Geeska iyo Shacabka oo soo dhaweyey

Hargeysa, 29 Sep 2015 (SDN/QJ)- Maxkamada Gobolka Hargeysa ayaa Maanta Todoba cisho oo Rumaan ah u dirtay Fanaaniinta Afartii Fanaan ee ka Tirsanaa Xidigaha Geeska.

825E488A-6DA0-4AE5-9444-17B35937F43D_w640_r1_sFanaaniintan oo Maalintii Axadii laga Qabtay Madaarka Cigaal ee Hargeysa kuwaasi oo ka soo laabtay Bandhig faneed maalintii ciida ay ku dhigeen Magalada Muqdisho, fanaaniintan ayaa ku eedeysan qarandumisnimo ka dib markii iyaga oo aan fasax ka waddan Dawlada Somaliland Xamar ku dhoofay isla markana Heeso qaranimada Soamliland ka soo horjeeda ka qaaten halkaasi, iyaga oo Huwaday ama xidhay Xalka Dalkaasi Somaliya.

Warar lagu Kalsoon yahay ayaa Sheegay in labba ka mid ah Fanaaniintasi mushahar ka qaatan Ciidanka Booliska Somaliland kuwaasi oo kala ah Cabdiraxman Caydiid odey iyo Xamda Quen, halka labada kale dhawaan uu shaqada wasaarada warfaafinta ka tageen.

Shacabka Somaliland ayaa ku taageray Xukumada xadhiga fanaaniintasi Qaranimadii Somaliland hoos u dhigay iyaga oo ugu baaqay Xukumada in xabsi dheer lagu xukumo.

 

Comments are closed