|

Dagaallo Markale Dib Uga Bilaabmay Deegaanada U Dhexeeya Burtinle iyo Qoriley.

Qoriley,29sep,2015(QJ/SDN)-Xiisad Colaadeed ayaa mar kale dib uga soo cus-boonaatay Deegaannada u dhexeeya Degmada Laascaanood ee Gobolka Sool iyo Degmada Burtinle ee Gobolka Nugaal kaddib markii kooxo hubeysan oo deegaannada kasoo jeeda ay isku-haleeleen Deegaanno ku dhow Qoriley.

Dagaal la isku adeegsanayay hubka Noocyadiisa kala duwan ayaa ka dhacay goobo dhawr ah oo deegaankaas ka mid ah, waxaana la sheegayaa in ay ku dhaawacmeen lix qof oo ka mid ah dhinacyadii hirdamayay.

Sidoo kale, Dagaalkan ayaa daba-socda dagaal dhawaan ka dhacay Deegaannadaas, kaasoo ay ku dhinteen 20-qof, iyadoo ay jiraan dadaalo lagu doonayo in lagu joojiyo xabbada.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Madax-dhaqameed iyo Culummo kala duwan ayaa ku sugan Degmada Burtinle, Waxaana ujeeddadoodu tahay sidii ay xal ugu heli lahaayeen Xiisadan Colaadeed, dhinaca kalena Waxaa deegaanka Qoriley ku sugan Waxgarad, Culummmo iyo Madax-dhaqameed u guntadey xil iska saarida Daminta Colaaddan.

Geesta kale dagaalkan ayaa ah mid ka soconaya xuduuda Somaliland, inkastoo dhawaanay  sheegtay Somaliland in ay ciidan halkaasi u diri doonto haddana illaa hadda lama oga wax ciidan ah oo gaadhay deegaankaasi.

Ugu dambeyntii  Xiisaddan Colaadeed ee labad beelood u dhaxaysa oo muddo 10 sano ah soo jiitamasay ayaan weli xal-dhab ah loo helin iyadoo loo aanaynayo in xiisadahan ay hurinayaan gacmo siyaasadeed oo kala duwan.

QJ/SDN: Hargeysa

 

Comments are closed