Wasiir Biixi oo Khilaaf Siyaasaddeed darteed uga hadhay Weftiga Madaxweyne Siilaanyo
Waxa uu ka doorbiday Shaqadiisii Wasiirnimo inaanu lumin qorshaha Musharaxa Madaxwenaha Kulmiye ee uu ku loollamayo
Hargyesa,28sep,2015(QJ/SDN)-Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa si lama filaan ah uga hadhay Wefti Madaxweynaha Somaliland hogaaminayo oo maanta u amba-baxay Socdaal ku wajahan Dalalka Imaaraadka Carabta iyo Waddanka IRELAND oo kamida wadamada aan xidhiidhka tooska ah la lahayn Somaliland.
Booqashada Madaxweynaha ee IRELAND oo ku timi sida Madaxweynuhu sheegay Marti-qaad uu ka helay Madaxda dalkaas, ayaa muhiimad diblomaasiyaddeed u leh Somaliland, isla markaana la filayey inuu door weyn ku yeesho Wasiirka Arrimaha Dibada Maxamed Biixi Yoonis oo ah masuulka Xukuumadda u metela siyaasada Khaarajiga.
Ma jiro wax war ah oo ay Xukuumaddu ka soo saartay sababaha Wasiirku uga hadhay Weftiga Madaxweynaha oo uu xubin muhiim ah ka ahaa sidii qorshuhu ahaa, balse ay hada madaxweynaha ku weheliyaan Wasiirka Madaxtooyada, Marwada Madaxweynaha, Xoghayaha gaarka ah ee Xafiiska Madaxweynaha, Wariye ka tirsan Telefishanka Dawladda iyo Safiirka u fadhiya Imaaraadka Carabta Baashe Cumar oo isagu weftiga ka raaci doona Dubai.
Hase-ahaatee Illo-wareedyo Gobanimonews ka heshay Qasriga Madaxtooyada iyo illo ku dhadhow Wasiirka, ayaa sheegay inay ka hadhista Weftiga ee Wasiirka Arrimaha dibadu salka ku hayso laba arrimood oo kala ah: 1- inuu jiro Khilaaf in dhaweydba u dhexeeyay isaga iyo Madaxweynaha, kaasoo sii xumaaday, kaddib markii uu Madaxweynuhu xilkii ka qaaday Agaasimihii Guud ee Wasaaraddaas Maxamed Xasan todobaadkii hore, isagoo aan wax la-tashiya kala sameyn arrintaas.
Arrinta labaad ee uu Wasiirku uga baaqday raacista weftiga Madaxweynaha ayaa lagu tilmaamay inay tahay Olollaha uu ugu jiro Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye, taasoo uu hormuud u yahay xubno kamida Golaha Wasiirrada oo u hanqal taagaya inay kula tartamaan Hogaanka xisbiga Shirka Golaha dhexe ee loo muddeeyey inuu qabsoomo 10 bisha November ee sanadkan.
Khilaafka kala dhexeeya Madaxweynaha ayaa sidoo kale la sheegay inuu qayb ka yahay Taageero dadban oo uu Madaxweyne Siilaanyo u muujiyey Hogaanka Xisbigaas, taasoo uu wasiirku maalmihii u dambeeyey olole ugu jiray sidii uu isna dhankiisa kasbasho uga heli lahaa Madaxweynaha, isagoo gacan ka helaya xulafadiisa xukuumadda oo uu Wasiirka Madaxtooyadu ka mid yahay.
Waxyaabaha aadka u sii kiciyey, isla markaana kusii khasbay inuu go’aankan ka hadhista weftiga qaato, ayaa waxa loo aanaynayaa inay tahay, dareenno aan farxad gelin oo ay xalay qasriga madaxtooyada kala kulmeen isaga iyo Odayaal deegaankiisa ah oo ergo Siyaasaddeed Madaxweynaha ula tegay.
Si kastaba ha ahaatee, xeel-dheerayaasha xaga diblomaasiyada ayaa tilmaamaya inay fadeexad diblomaasiyaddeed iyo waji-gabax ku tahay qaranka talaabada Wasiirka khaarajigu kaga hadhay Weftiga Madaxweynaha ee Socdaalka ku tegay waddanka Ireland oo aanay Somaliland xidhiidh hore oo miisaan leh lahayn, balse ay ahayd inay hada soo bud-dhigaan qorshe Iskaashi oo diblomaasiyad ku dhisan.
Waxa kale oo ay xeel-dheerayaashu ku dooddayaan inay nidaam ahaan iyo baratakool ahaanba ay muhiim ahayd inuu weftiga la socdo Wasiirka Khaarajigu, isla markaana ka hadhistiisu nusqaan ku tahay siyaasada qaarajiga.
FG: Geesta kalena, Wasiirka oo aanu isku daynay inaanu la xidhiidhno si aanu wax uga waydiino sababaha uu weftiga Madaxweynaha uga hadhay ayaaanay noo suurto gelin, inaanu ku helno Telefoon iyo toos toona.
Xigasho: GobanimoNews
QJ/SDN: Hargeysa