“Nin baa Kiniisadda tegi jiray Marka Hilibka lagu qalo, Masjidkana Marka Mawliidka ee…” Xildhibaan Aareeye DAAWO
Hargaysa 27. Sep 2015 (SDN/QJ)- Xildhibaan Cali Sheekh Ibraahin Aareeye oo ka tisan Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa ka dayriyey xaaladda dalku marayo, isla markaana waxa uu sheegay in ay Xukuumadda Siilaanyo dhibaatooyin badan u horseedday dadka iyo dalka, wakhtiganna ay xaaladda Bulshadu marayso Afkii baa Juuqda gabay.
Waxa uu Xildhibaan Cali Aareeye intaas ku daray inay Cabbudhin, Caga-juglayn, Xadhig iyo Garaacis aan loo miidaan-dayaynin ku bilawday Xukuumaddu Labeenta Bulshada sida Madaxda Dhaqanka iyo Suxufiyiinta Madaxa-bannaan. Sidoo kalena ay ku dawakhday Hanti-boobka iyo Iibinta Hantida Qaranka ee ma-guurtada ah.
Xildhibaan Cali Ibraahin Aareeye, waxa uu sheegay in Madaxweyne Siilaanyo iyo Xukuumaddiisa wax-qabad laga filayey inta muddada Guurtidu u kordhisay uga hadhsan ee sannadka iyo afarta bilood ah. Hase-yeeshee, aan laga filayn hanti-boob iyo cabbudhinta Shacabka haddii uu Siilaanyo dalka iyo dadka Somaliland Magac wanaagsan iyo Mustaqbal lagu xasuusto ka doonayo.
Waxa kale oo uu Xildhibaan Aareeye ka hadlay Shirka Golaha dhexe ee Xisbil-xaakimka KULMIYE oo toddobaadkii hore Guddoomiye Muuse Biixi sheegay in la qaban doono tobanka bisha 11-aad ee sannadkan 2015-ka ee aynu ku jirno, kaasoo uu sheegay inay soo dhawaynayaan isaga iyo Xisbiga WADDANI ee uu ka tirsan yahay, Hase-yeeshee, ay ku dawakhsan yihiin Musharrixiinta tirada badan ee is-garab-yaacaya ee Xisbigaas ka sharraxan.
Xildhibaan Aareeye waxa uu sidoo kale ka hadlay wareejinta Haamaha, Mooshinka Muxaafidku ku wadaan soo celinta go’aankii Golaha Wakiilladu ku laalay wareejinta Haamaha Shidaalka Kaydka ee magaalada Berbera, Xildhibaanno Laalista u codeeyey oo haddana Mooshinka soo celinta wada markii Xukuumaddu Laaluush siisay iyo qodobbo kale oo uu isla Xildhibaannadaas kula dardaarmayo. Waxaanannu Warkiisa oo dhammaystiran idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-