Madaxweyne Siilaanyo Oo Socdaal Shaqo Ugu Kicitimay Ireland,Kulan uu La Yeeshay Daahir Rayaale Iyo Wasiirka Khaaraajiga oo Uga Hadhay Xumadda Loolanka Xisbiga KULMIYE DAAWO
Hargaysa:Sep,27,2015(SDN/QJ)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo oo saaka subaxnimadii hore safar shaqo ugu baxay Dalka Ireland isagoo sii maridoona Dubai. weftiga waxa aan xubin ka ahayn oo ka hadhay Wasiirka wasaaradda Arrimaha dibadda Maxamed Biixi Yoonis oo isagu ah murrashax u tartamaya murrashaxnimadda madaxweynenimadda ee xisbul xaakimka KULMIYE.
Socdaalka madaxweynaha oo ay saxaafadda madaxa bannaani saaka ka maqnayd, ayaa garoonka Cigaal International Airport, gaar ahaan qolka martida kula kulmay Madaxweynihii uu xilka kala wareegay ee Daahir Rayaale Kaahin iyo marwadiisii oo safar dibadda ah ka yimi.
Madaxweynaha oo saxaafada warbixin ka siiyey safarkiisa shaqo, ayaa yidhi sidan:-
“Waxaan jecelahay in aan faahfaahin kooban idinka siiyo socdaal rasmi ah oo aan maanta ugu ambabaxaayo wadanka IRELAND oo aan ku tegayo booqosho rasmiya. Waxaanan kulamo aniga iyo weftiga ila socdaa aan la yeelan doonaa hadii alle idmo madaxweynaha IRELAND iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan isla wadankaasi, anigoo kala hadli doona qadiyada Somaliland iyo sidii loo sii xojinta lahaa xidhiidhka labada wadan, Isla markaana waxaanu u bandhigi doonaa aragtida qaranka Somaliland ee ku wajahan xaqa shacabka Somaliland ay u leeyihiin dawladnimadooda oo muddo dheer dhinac-dhaqaale, degenaansho, siyaasadeed, iyo dawladnimo ka turjumaysa rabitaanka shacbiga Somaliland ay dadka reer Somaliland ku guulaysteen, una baahan yihiin in gacan laga siiyo hawlahaasi ay ku mashquulsan yihiin dawlada iyo shacbiga Somaliland.
Socdaalkani wuxuu ka mid yahay socdaaladii aan horeba ugu tegi jiray wadamada caalamka si aan ugu bandhigo, uguna qanciyo beesha caalamka waxa ay mudan tahay Somaliland in laga yeelo.
Waxanan sii mari-doonaa Imaaraadka Carabta ka dibna waxa aanu uga sii gudbi doono Ireland. Shacbiga Somaliland waxaan ku waaninayaa in sidii ay awalba heeganka ugu ahaayeen nabadgelyada qaranka ay sii xoojiyaan.”
Waxaana safar madaxwaynaha ku wehelinaya masuul katirsan xukuumada oo ay kamid ahaayeen, Wasiirrada Wasaaradaha Madaxtoyada iyo warfaafinta iyo waliba Xoghayihiisa gaarka ah.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com