|

Guddoomiye Cirro Iyo Ku-xigeenkiisa Oo Maanta Si Rasmi ah Iskaga Laab Xaadhay Dagaalkii Hore u Dhexmaray

Hargaysa:Sep,27,2015(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(cirro0 iyo Ku-xigeenkiisa Baashe Maxamed Faarax, ayaa fadhigii maanta ee Golaha Wakillada kaga dhawaaqay inay ka heshiiyeen Khilaafkii dhawaan dhexmaray, kaas oo gaadhay heer ay gacmaha iskula tagaan.

ciro.(2).jpgLabada Guddoomiye ayaa arrintan si iskood ah isaga saamaxay iyadoo aanay jirin cid dhex-dhexaadisay, sida ay labadudooduba Golaha ka hor sheegeen.

Ugu horrayn Guddoomiye Cirro oo faahfaahiyey  hannaanka ay khilaafkaas usoo gunaanadeen, ayaa hadlakiisa ku bilaabay sidatan,

“Markii Aanu aragnay Dareenka Mudanayaasha Golaha Wakiilada somaliland ee Dhacdadii ka Dhacday aqalka golaha wakiilada dhexdiisa,Markaanu aragnay shacabkii nasoo doortay,Markaanu Garawsanay inaanu nahay masuuliyiin dalka u haya xilal Nahay,Aniga iyo Baashe waxaanu isku ahayn Shirguddoon In badan soowada shaqaynayay saaxiibo isku dhawna aanu nahay.”

Cabdiraxmaan Ciro oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas waxa uu ku daray.”Waxaanu garanay Aniga iyo Baashe inaanu dhacdadii halkan ka dhacday shaqsiyan labadayadu Shaqsiyan Aanu ka Heshiino oonu iska Saamaxno,Golahuna isa Saamaxo,waliba Raali galina ka siino Golaha Wakiilada,Markaas waxaan jecelay inaan halkan isku kacan qaadno.”

Guddoomiye-ku-xigeenka Koowaad ee Golahaas  Baashe Maxamed Faarax oo isaguna Halkaas ka Hadlay, ayaa isna cadeeyay inuu Shacabka Golaha Iyo Dunidaba ka Raali Galinayo Khaladka Ay Galeen,Isaga oo baashe cadeeyay inuu isna ku niyad san yahay in Khilaafka soo kala dhex galay xal laga gaadho iyada oonay cidna gacanta isku saarin.“Wixii maalintii dhawayd halkan ka dhacay siday doonto ha noqotee inaanu raali-galin siino xildhibaanada aanu shirguddoonka u nahay,waana markii ugu horaysay ee shirguddoon isku fara saareen fadhigii oo socda xildhibaano waa la arki jiray laakiin arintani waa mid cusub,dadku waa bil aadan waxaana waxkasta ka fiican in laga heshiiyo,shacabkana raali galin ayaanu siinaynaa.”

Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee aqalka golaha wakiilada somaliland Cali Yuuusuf Axmed ayaa isna sheegay in heshiiska iyo is garawga ay somaliland ku soo dhaqantay tana ay tahay uun mid dhabada u xaadhaysaa in golaha wakiiladu isku calool fayoobaadaan waxaana uu yidhi.

“Hawl ayay inoo Fududeeyeen oo iyaga ayaa dhexdooda ka heshiiyay,waanad garanaysaa maalintaas sida uu golahu aadka uga xumaaday golaha wakiiladu xaalka uu golahu sida uu ahaa,markaas intii golahu fasaxa ku maqnaana wadnaha ayaa farta lagu hayay oo waxa lalahaa marka la isku soo noqdo tolow xaalku siduu noqon,niyad wanaagii aynu rajaynaynay ilaahay waa uu inoo suuro galiyay.”

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed