|

Madaxweynaha IRAN Oo Ka Dalbaday Qaramada Midoobay Inay Baadhaan Shilkii Ka Dhacay Xajka Iyo Sababihii Dhaliyay

Madaxweynaha-Iran-80x106Tahran,27sep,2015(QJ/SDN)-Madaxweynaha Iran Hassan Rouhani ayaa Qaramada Midoobay ugu baaqay inay baadho sababihii dhaliyay shilka iyo shilalkii la mid ahaa ee ka dhacay sannadkan Xajka.

Muftiga ugu sareeya dalka Sacuudiga Sheekh Cabdulcaziiz al Sheekh ayaa sheegay in shilkii ay xujayda baddan ku dhinteen ee ka dhacay Xajka uu ahaa “Qadar Eebe” bini’aadam-na aan lagu eedeyn karin.

Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa sheegay in tirada dadka ku dhintay Xajka ay korodhay oo gaadhay 769 qof.

Waxaa sii socda cambaareynta dowladda Sacuudiga lagu cambaareeyey sida ay u maareysay xajka iyo waliba shilkii xajka ka dhacay. ilaa 136 xujey ka timid Iran ayaa ka mid ahaa 769 qof ee ku dhintay xajka.

 

Comments are closed