Xukuumadda Siilaanyo oo Cudud Ciidan wixii ay Haysey isugu Geysey Magaaladda Berbera+Bandoodii Xalay iyo Tan Caawa la filaay
Berbera,26sep,2015(QJ/SDN)-Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaatan iyo Habeenkii xalay waxay Ciidamo kusii daabulaysey Magaalo xeebeeda Berbera. Ciidamadaas ayaa sida la sheegay qorshohoodu yahay in ay gacan bir ah ku qabtaan cidii ka hortimaada qorshaha Xukuumadu wadato ee ah in Hamaaha Keydka Shidaalka Berbera xoog loogu gacan geliyo kooxo ganacsato. Iyadoo ka cabsi qabta inay kacdoon dadweynaha kaga dhasho magaalo xeebeda Saaxil kaaso ay si weyn uga cabsi qabaan. Maalmihii lasoo dhaafay waxa magaalada Berbera ku sugnaa Wasiirku xigeenada Xanaanada Xoolaha iyo warshadaha kuwaasoo googol xaadh u ah qorsha damaca Haamaha lagula wareegayo Ciidamo kala duwan ayaa gaaf-wareegaya magaalada Berbera kuwaasoo salbabakh ku riday dadweynaha magaalada iyadoo maalintii doraad xabsiga ay dhigtay Xukuumadda Siilaanyo Wariya Maxamed Cabdilahi soo fadhiiste oo ka hawl gala Telefeshanka SommaliCaple iyo shabakada warar Berberatoday. Xaaladda magaalad Berbera ayaa ah mid baaxaa-degeysaa isla markana aan fadhiyo iyadoo Guuxa Shacabka reer berbera yahay mid aan waxba laga maleysan karin xaaldiisuna tahay mid kacsan. Xukuumada Somaliland ee u hadda hoggaamiyo madaxweyne Siilaanyo ayaa tan iyo maalintii ay Xilka qabatay xiisado colaadeed ka wada-magaalo xeebeda Saaxil. dhanka kale, waxa magaalada ku sugan laba wasiirku xigeen kuwaasoo maalintii Ciidala Udxa waji-gabax kala kulmay gooblagu ciibaadeysanaayo oo ay damceen inay siyaasadda kaga sheekeyan. Sikastaba ha ahaatee Haddii ay Xukuumadda siilaanyo xoog ku wareejiso Haamaha Keydka shidaalka berbera ayaa la filayaa Mudaharaado waaweyni inay ka dhacaan Magaalooyinka Somaliland taasoo sababi kartaa inay Rummowdo qorshayaasha Xukuumaddani hoosta ku wada-to ee Fereraalisamka ah. 1-da Bishan 10-naad ayaa la filayaa inay Xukuumadani Koox Ganacsato ah ku wareejiso Hamaaha Shidaalka berbera oo dhowaan ay laaleen Golaha Shacabka somaliland soo doorteen kuwaasoo xiisadii ka dhalatay sababtay in shirgudoonka gollahaasi gacanta iskula tagaan. Tifaftiraha shabakadda Xogreebnews.com oo ku sugaan Magaalo xeebedda Berbera ayaa sheegay in Ciidamo cudud xoogani ilaayo Habeenkii xalay lagusoo daabulaayo magaalada Berbera kuwaaso khal-khal-ku riday Bulshada ku dhaqan magaalada Berbera iyo laga yaabo inay isku dhacyo ka dhacaan haddii aan waxba laga bedelin Habdhananka Xukuumadu ka waddo. Sidoo kale, xalay saacadihii danbe ayaa magaalada Berbera lagusoo rogay xaalad Bandoo ah taasoo sababtay in ay isku socon kari waayaan Bulshada kala duwan ee magaalada ku dhaqan.
Xigasho: Oodweynene