Korodhka Tiradda Dhimashada ee Xujayda Maanta Ku Sugan Deegaanka Mina oo Hada Maraysa 717 Dhimasho Iyo 805 Dhaawac ah iyo Kooxaha Gurmadka oo Mashquulsan SAWIRO
Maka 24.Sep 2015 (SDN/QJ)-Saraakisha difaaca madaniga ah ee dalka Sacuudiga ayaa maanta sheegaya in 717 ruux Qof ku dhinteen deegaanka Mina, halka ilaa 805 ruux ay ku dhaawacmeen ka dib markii xujaaj lagu qiyaas ilaa labo malyuun oo qof is jiidheen qaarna ay neef qabatoobeen.
Shilkani waxa uu dhacay markii xujaajtu ay soo dhamaysteen salaadii ciida oo ay u anbabaxeen dhinaca Mina si ay u sameeyaan dhagax tuurka kaas oo ka mid ah rukumada xajka.
Xafiiska Gurmadka u qaabilsan dawladda Sucuudiga ayaa bogga ay ku leeyihiin barta Twitter soo dhigay sawirada iyo tirade dadka wax noqday Taas oo Saacad Saacad isu bedelaysa.
Hase yeeshee ciidamada amniga iyo kooxaha gurmadka ee dalkaasi ayaa dadaal xoogan ugu jira sidii xujaajtu ay u gudan lahaayeen waajibaadkooda in kastoo sanadkan tiro badan oo xujaaj ahi ay ka yimaadeen daafaha dunida iyada oo waliba maalaayiin qof ka soo xajiyeen gudaha dalkaasi Sacuudiga.
Ma aha markii ugu horaysay ee ay qaar ka mid ah dadka xajka gudanaya ay is-jiidhaan, iyada oo 25kii sano ee la soo dhaafay dad badan ay shilal noocan ah u dhinteen.
Shilkii noocan oo kale ahaa ee ugu darnaa ayaa dhacay sanadkii 1990 wakhtigaasi oo 1400 oo xaaji ay dhinteen.
10kii bishan aynu ku Jirno ee September ayaa in ka badan Boqol Xaaji ay ku naf waayeen Tiro intaas ka badanina ay ku dhaawacantay kadib markii uu ku soo dumay Wiish lagu dhisayay Qayb ka Mid ah Masjidka Barakaysan ee Maka .
Kala Soco Shabakada Qurbejoog.com Wixii ka soo Kordha Shilka ka dhacay Xajka.