|

Xisbiyadda UCID & WADDANI oo Muddaynta Shirka KULMIYE ku tilmaamay Riwaayad laga dareeray oo Muuse Biixi Jilayo

Hargeysa 24.Sep 2015 (SDN/QJ):-  Masuuliyiinta Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI, ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay hadallo uu Guddoomiyaha KULMIYE   ku sheegay in Xisbiga KULMIYE dhawaanahan aad loo hadal-hayey, isla markaana dadweynaha reer Somaliland aad u xiisaynayaan iyagoo dantooda mustaqbalka dhaw iyo ka dheer-ba ka dhex-arkaya iyo cayimaadda shirka Golaha dhexe ee Xisbigaas oo isla shalay uu Muuse ku dhawaaqay, waxaanay ku tilmaameen muddaynta shirkaas mid aan waxba kaga duwanaan doonin xilliyadii hore ee mid kasta uu ka baaqanayay in la qabto.

 

MUUSE-BIIXI-OO-JAASAYA-dddddddd-263x300Hoggaanka Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumaddu shir Jaraa’id oo ay  ku wada qabteen Madaxtooyada, ayuu Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo ka sheegay in wada tashi dheer oo hoggaanka iyo Guddiga fulinta Xisbiga iyo weliba Madaxweynuhu yeesheen la iskula qaatay in shirka Golaha dhexe oo dhawr jeer oo hore dib u dhacay la qabto 10-ka bisha November ee sannadkan 2015-ka.

 

Hase-yeehee, Musharraxa Madaxweynaha UCID Jamaal Cali Xuseen iyo Xoghayaha Saxaafadda Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale  (Boobe) oo labadoodaba uu Waraysi gaar ah la yeeshay Weriye Cabdiqaadir Aadan Carab oo Wargeyska Himilo ka tirsan, ayey ku sheegeen iyagoo daliishanaya duruufaha siyaasadeed ee xilligan ka dhex jira KULMIYE iyo khilaafaadka la xidhiidha cidda noqoneysa Musharraxa Madaxwaynaha Xisbiga ee shanta sannadood dambe, ayaa waxay tilmaameen in aanay suurto-gal ahayn inuu shirkaasi dhaco tobanka bisha 11-aad ee loo cayimay.

 

Xoghayaha Warfaafinta ee xisbiga WADDANI, Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe) oo Weriye Cabdiqaadir weydiiyey inay suurto-gal tahay in shirka Golaha dhex ee KULMIYE ku dhaco xilliga loo cayimay, waxaanu ku jawaabay; “Ilama aha inuu suurtoobayo (Shirka Golaha dhexe ee Kulmiye) oo waa dhuxul dambas huwan, waayo? Illaa hadda waxay leeyihiin Madaxwaynahaa Musharrax ah, wakhti badanna kama hadhin (xilliga shirka loo muddeeyay). Markaa, KULMIYE wuxuu u baahan yahay inay in badan wadahadlaan oo ay wax badan turxaan-bixiyaan, waayo? Xisbiga intaa isku huursanaa oo intaa oo Musharrax u hanqal-taageyso hawl sahlan maaha, waanaynu arki doonnaa! Waa bil waxa ka hadhaye.”

 

Boobe oo sii watay hadalkiisa waxa uu yidh; “Wakhtiga hadhay iyo waxa u baahan in la furfuraa isma laha, haddiiba la odhan lahaa xisbigu wuxuu soo saarayaa Musharrax iyo Ku-xigeen. Laakiin, weli waxa socota Riwaayaddii…” Boobe oo la waydiiyey in khilaafka KULMIYE ka dhex jira Musharaxnimada Madaxwayne Siilaanyo qayb ka tahay.

 

Waxaanu su’aashaas kaga jawaabay; “Haa… (Musharraxnimada Madaxweynuhu) qayb bay ka tahay khilaafka jira, waayo wixii huursanaa ayuun baa isla huursan oo weli waxba ma kala bixin, inta u hanqal taageysa ee dooneysa inay isa sharaxaanna waynu arkaynaa oo way badan yihiin, daboolkiina wuu saaran yahay (khilaafka) oo weli waxa taala Madaxwaynahaa sharaxan, markaa waa nabar aad mooddo in dushiisa la dhayayo.”

 

Xoghayaha Warfaafinta xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, waxa uu sheegay inaan Xisbiga KULMIYE aanu runta isku sheegin, maaddaama buu yidhi; ‘aanay ballan-qaadkii ay hore dadweynaha ugu sameeyeen aanay sidiisii u fulin isla-markaana hantidii ummadda ka dhaxeysay xaraashayaan ‘KULMIYE waxa uu dadweynaha ugu dhawaaqey barnaamij uu yidhi waxaanu ku hirgelinaynaa shanti sanadood (ee dhammaaday), su’aal baa ka taala inay hirgashay iyo in kale, maxaa markaa dadka lala hor imanayaa (haddaan ballan-qaadkii hore fulin), imikana dadka reer Somaliland waxa kaliya ee  dhagahoodu maqlaan waa IIB, Wakaalad baa la iibiyey iyo Haamaha ayaa la iibiyey mooyaane ma wax kale ayaa socda?”

 

Boobe Yuusuf Ducaale oo sii hadlaya ayaa sheegay inay KULMIYE u wanaagsan tahay in shirka Golaha dhexe hortii ay dibadda ku sii heshiiyaan, waxaanu yidhi; “Weli xisbiga KULMIYE runta iskuma sheegin, xalna maaha shirkii Golaha dhexe ayaa la qabanayaa, xalku waxa weeyaan in iyada oo heshiis lagu hayey la qabto.”

 

“Annagu (WADDANI) waanu qabsaneynaa shirka Golaha dhexe, waayo annagu lama mid nihin KULMIYE oo muranka dhex yaala nama dhex yaalo. Annagu ma nihin xisbi iyo xukuumad oo is haysadka iyo isbarbar yaaca dhex yaalaa annaga nama dhex yaallo.” Sidaa ayuu yidhi Xoghayaha Saxaafadda ee Xisbiga WADDANI.

 

Sidoo kale, Musharraxa u taagan Jagada Madaxweynaha Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen oo isaguna khadka telefoonka ugu warramay Weriye Cabdiqaadir Aaden Carab oo ka tirsan Wargeyska Himilo, ayaa sheegay inaan dadweynaha reer Somaliland aanay xiiso u qabin KULMIYE iyo shirka uu muddeeyayba, maadaama buu yidhi ay dalka ka jiraan xaalado ka waaweyn shirka KULMIYE, kuwaasoo uu ka xusay wareejinta Haamaha kaydka Shidaalka ee Berbera.

 

Jamaal Cali Xuseen, oo ugu horreyn ka hadlaya qorshaha Xukuumaddu ku doonayso inay Haamaha kaydka shidaalka ku wareejiso ayaa yidhi; “Dalkawaxa ka jira arrimo aad u xaasaasiya oo ay ka mid tahay Hantidii ummadda oo Haamaha Berbera ugu hureeyaanoo la boobayo, Hanti qiimaheedu kor u dhaafayo $ 240 Milyan ayaa la doonayaa in aayar la iska qaato. Waxaynu ognahay waxyaabo badan oo xukuumaddu wareejisay oo dad gaar ahi gacanta ku hayaan, markaa shirkan Golaha dhexe ee KULMIYE leeyahay waanu qabsaneynaa shacabka Somaliland xiiso uma qabaan, waayo KULMIYE waa laga soo taagan yahay oo waakan dhibaatada dalka ku wada.”

 

Musharrax Jamaal oo ka hadlaya hadal ka soo yeedhay Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi, waxa uu yidhi; “Guddoomiyaha KULMIYE oo shalay hadlayey ayaa yidhi; ‘dadku KULMIYE ayay ka hadlayaan oo xiiso ayaa loo qabaa.’ Waxaan leeyahay cidna KULMIYE xiiso uma qabto, waayo? Shacabka Somaliland waxay u arkaan Xisbi dulmiyey oo shanti sannadood ee la doortay ka leexday ballamihii, oo baa’bbiiyey wixii UDUB ka tagtey ee ay u yimaaddeenna, Somaliland-na maanta badbaado ayay u baahan tahay. Markaa, inay shir qabsadaan iyo in aanay qabsanin cid xiiso u qabtaa ma jirto.”

 

“Muuse Biixi hadduu dalka rejo ka leeyahay markii arrimuhu (Muranka Haamaha) taagnaayeen ayuu ka hadli lahaa, immisaa ka soo wareegay feedhkii Golaha Wakiillada, Haamihii immisaa ka soo wareegtay, Muuse ma immika ayuu ka hadlayaa, waxaad mooddaa nin daneysanaya oo marka dhabarka la soo yar taabto uun doonaya inuu ka hadlo Xisbiga iyo wixii isaga dantiisa ah, waaba ninkaa aad mooddo inuu duni kale ku nool yahay ee leh KULMIYE ayaa la xiiseynayaa.” Sidaa ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.

 

Musharaxa Madaxwaynaha ee Xisbiga UCID, waxa uu sheegay in halkii ay ahayd in Guddoomiyaha KULMIYE ka hadlo xaaladaha dalka ka jira, sida Haamaha uu Xukuumadda ku taageeray; waxaanu yidhi; “Muuse oo ahaydinuu ka hadlo xaaladaha dalka ka jira, ayaa wax alaale iyo wixii dadku tabanayeen ku taageeray xukuumadda, markaa hadduu Muuse Biixi musharax yahay oo uu haddana ogol yahay in Haamaha Berbera la wareejiyo anigu ma garanayo cidda uu codka ka doonayo, ma Shiinaha ayuu ka doonayaa cod.”

 

Jamaal waxa uu sheegay in shirkii jaraa’id ee shalay KULMIYE ku shaaciyey muddada la qabanayo shirka Golaha dhexe ay ka mid ahayd ama u ekayd wakhtiyadii dagaalladu ka socdeen Burco iyo Hargeysa ee dawladdii Siyaad Barre Idaacadaha ka sheegi jirtay in tartankii Ciyaaraha gobolladu ka socdo, waxaanu yidhi; “Shir-saxaafadeed KULMIYE (ku muddeeyay shirka Golaha dhexe) waxay u ekayd oo aan aniguna u arkayeymarkii dagaalladu ka socdeen Hargeysa iyo Burco ee dawladdii Siyaad Barre Naf la caari awgeed ay idaacadaha ka odhan jirtay ciyaarihii gobollada ayaa socda.”

 

Jamaal oo la waydiiyey in shirka Golaha dhexe ee la muddeeyay qabsoomi karo iyo in kale, ayaa ku jawaabay; “KULMIYE caadadiisa ahayd inuu shirarka dib u dhigo, waana la ogaa inta jeer ee ay kan dib u dhigeen, markaa wax cusub maaha hadday kanna mar kale dib u dhigaan.”

 

Xigasho Wargeyska Himilo

 

Comments are closed