Taliska Asluubta oo Laascaanood u Tegay Baxsi Maxaabiis Jeelka ku Jirtay Iyo Dhaawicii Deegaanka Qorilley oo Laascaanod Gaadhay DAAWO
Laascaanood 23.Sep 2015 (SDN/QJ)-Taliye Ku Xigeenka 2aad ee Ciidanka Asluubta Somaliland Gaashaanle Sare Cali Cumar Axmed iyo Saraakiil kale oo Wehelisa ayaa Kormeer Shaqo maanta ku tagay Magaaladda Laascaanood,si ay ugu Kuurgalaan Maxaabiiis ka baxsaday Xabsiga Magaalada Laascaanood.
Sidoo kale Waxaa Cisbitaalka Magaalada Laascaanood la Keenay Hal Qof oo ku Geeriyooday iyo 8 Qof oo ku Dhaawacmay Dagaal laba ardaa oo Walaalo ah ku dhex maray Deegaanka Qorilley ee Gobolka Sool.