“Golaha Wakiiladdu Shaqo kuma laha ansixinta Heshiisyada Maalgashiga Shirkadaha Waddaniga ah” Wasiirka Beeraha
Hargaysa 23.Sep 2015 (SDN/QJ)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ka warbixisay waxbadka kala duwan ee dawladdu ka hirgelisay degaannada bariga Sanaag, iyadoo sidoo kale jawaab ka bixisay hadallo dhaliil ah oo masuuliyiin ka tirsan xisbiga WADDANI u jeediyeen xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.
Wasiirka Beeraha Dr. Maxamed Aw Daahir Ibraahim oo saxaafadda la hadlay shalay, ayaa sheegay in masuuliyiin ka tirsan WADDANI oo uu hormuud u ahaa wasiirkii hore ee Hawlaha Guud xukuumaddii UDUB Mr. Siciid Sulub Maxamed ay hadallo deel-qaaf ah ku soo dhoweeyeen suldaanka guud ee degaannada bariga Sanaag Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo safar ku yimi magaalada Hargeysa maalintii Isniinta.
“Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan koox ka tirsan xisbiga WADDANI ayaa soo dhoweeyay, waxayna ka horgeeyeen hadiyad ah inay yidhaahdeen gobolka bariga Sanaag waa la dayacay oo waa la illoobay. Ragga sidaas lahaa waxa hoggaaminayey saaxiibkay Siciid Sulub oo 8 sanno ahaa Wasiirkii Hawlaha Guud ee dawladdii Rayaale. Gobolka Sanaag waxa ugu filan suldaanka ay soo dhawaynayeen in markii u ugu horreysay ee uu ka imanayey uu soo mari jiray waddo rafaad badan oo boodh badan, socodkiisanna waxaan hubaa inuu laami aad loogu raaxaysanayo soo maray.
Xukuumadda uu hoggaaminayo Madaxweynaheena Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa ka mid ah waxqabadka ay ka fulisay Gobolka Sanaag laba ceel oo laga qoday Badhan oo aan hore u jirin, laba ceel oo laga qoday Ceel-nuug. Kalluumaysatada Laasqoray laba jeer ayaa matoorro iyo shabaagtii ay ku shaqaysanayeen loo geeyey. Intii Laasqoray jirtay Madaxweyne qaran oo taga waxa ugu horreeyey Axmed Maxamed Siilaanyo,” ayuu yidhi Wasiirku.
Waxa uu intaas sii raaciyey, “Laasqoray iyo Badhan midba waxa loo geeyey hal ambalaas oo loogu talogalay inay u shaqeeyaan degaannada magaalooyinka ka fog. Laasqoray markii ugu horreysay ayaa cusbitaalkeedii shaqeeyo. Markaa saaxiibkay Siciid Sulub waxaan weydiinayaa siddeeddii sanno ee aad ahayd Wasiirka Hawlaha Guud dhagax dhulka sare ma uga qaaday oo ma sheeganaysaa? Waxqabadka inta kaliya ee lagugu xusuustaa waxa weeye sandaqadihii xaafadda India line-ka Hargeysa, wax kale oo aad taariikhda xasuus kuu galaysaa ma jirto.”
Dhinaca kale, Wasiir Maxamed Aw Daahir waxa uu hadlay qorshaha xukuumaddu ku kiraynayso Haamaha Shidaalka ee Berbera, isagoo sheegay in aan Golaha Wakiilladu shaqo ku lahayn ansixinta heshiisyada maalgashiga ee xukuumaddu la gasho shirkadaha waddaniga ah, waxaannu yidhi; “Horta gaamuhu waxa la mid yihiin bakhaarrada ka furan magaalada Berbera ee ganacsatadu raashinka dhigto, halka kuwaas raashinka laga dhigo, kuwanna waxa la dhigaa shidaal. Kiradoodu waxa ay la mid tahay aqal la kiranayo; guryaha dawladda ee dalka ku yaallaba waa la kireeyaa, waana la horumariyaa oo buuq kama yimaad, markaa kuwaas ayey la mid yihiin. Iyadoo ay sidaas tahay baarlamaanka waxa la marin karaa hadduu maalgashi dibadeed yahay oo ay hay’ad caalamiya kiraysanayso, laakiin waxa gudaha ah horta baarlamaan shaqo kuma laha. Waxa kale oo ay illowsan yihiin in Wasaaradda Ganacsigu ruqsadda soo dejinta shidaalka iyadu gacanta ku haynayso, hashiisyada lala galayo ee dadka haamaha gacanta ku haya la galayana waxa amraysa Wasaaradda Ganacsiga. Baadhista iyo ilaalinta tayada shidaalka waxa gacanta ku haynaysa Wasaaradda Ganacsiga oo qoladani khidmad uun bay qaadanayaan, waxaanay kooxdani samaynayaan (bixinayaan) $11 milyan dollar oo haamaha lagu dayactiro muddo saddex sannadood ah. Wasaaradda Maaliyaddu halkeedii ayey fadhidaa oo cashuurtii iyada ayaa qaadanaysa,
Waxaan garan la’ahay haamaha sidaasi ah ee aynnu oggolayn in hay’ad ajnabi ah maalgashato ee buuqa samaynaysa ee aan u baahnayn in maalgalin gudaha lagu sameeyo ee inbaga jeedinaysa waxqabadkeenii kale iyo wixii dadku qabsan lahaa,” ayuu yidhi Wasiirka Beeraha.
Hargaysa SDN/QJ