|

Suldaanka Guud ee Beelweynta Irir Samaale oo ummada ka tacsiyageeyay geerida Suldaan Galaal

Calgary Sept 22,2015(SDN/QJ)-Suldaanka Guud ee Beelweynta Irir Samaale Suldaan Cabdikariim Faarax ayaa dhanbaal uu soo saaray waxa uu ummada Soomalaiyeed uga tacsiyadeeyay Geeridii naxdinta laheyd ee ku Timi Suldaan Maxamed Cabdilahi Xuseen (Galaal).

Suldaan Cabdikariim Faarax uu sidoo kale ka faalooday mahadhada taariikheed ee Suladaan Galaal, dhanbaalkiisuna sidan ayuu u dhignaa:

“Waxan anigo ah Suldaan Abdikariim Farah Ibrahim halkan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa Ehelkii asaxaabtii iyo guudahaan shacbka reer somalilandba geeridii ku timid Suldaan Maxamed Abdilahi Huseen (Suldaan Galaal ) oo ahaa Suldaanka Beesha Maxamed Daauud (Guyoobe ).

Suldaan Galaal Allah u naxariiste waxu ahaa hogaamiye tiirdhaxaad u ah Isku xidhka Beelaha Ismaciil Sheekh Isxaaq (garxajis) sidoo kale waxu ahaa suldaankii hogaaminayey heshiiskii badhtamihii sagaashanaadkii dhex maray beelaha Ismaciil Sheekh Isxaaq (garxajis ) iyo xukuumadii madaxaweyne cigaal ,Suldaan Galaal waxu markale ka soo jeeda qoys tariikh fog ku Dhex leh barayashii iyo fidinta diinta islaamka Ee geeska Afrika reer Sheekh Jamac Cali oo saldhigoodu ahaa dariiqadii magalada xaaxi duleedka xarunta gobalka daadmadheedh Ee oodweyne Alha ha u naxariistee Suldaan Maxamed Huseen.

Amiin Amiin innaa lillaahi wa inaa ileyhi-raajicuun”.

SDN/QJ-Calgary

contact@qurbejoog.com

Comments are closed