Fanaaniintii Xiddigaha Geeska Oo Muqdisho Ka Degay Iyo xaaladda ay waajihi doonaan
Muqdisho,22sep,2015(QJ/SDN)-Qaar ka mid ah Fanaaniinta Kooxda Xidigaha Geeska ee fadhigooda yahay magaalada Hargeysa ayaa maanta soo gaadhay magaalada Muqdisho, iyagoo habeenka Ciidul Adxa ay qaban doonaan Bandhig Faneed ay farxada ciida kula wadagayaan shacabka Muqdisho.
Fanaaniintan oo kala ah Nimcaan Hilaac, Maxamed Axmed Cirro Bakaal, Xamda Queen iyo C/raxmaan Oday ayaa lagu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.
Fanaanka Nimcaan Hilaac oo Ciidii la soo dhaafay bandhig faneed ka dhigay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu mar kale ku faraxsan yahay inuu ku soo laabto magaalada Muqdisho, isagoo ay wehliyaan asxaabtiisa Kooxda Xidigaha.
Sidoo kale C/raxmaan Oday ayaa isna sheegay in shacabka Muqdisho ay kula dabaal degayaan farxada ciida, ayna aad ugu faraxsan yihiin inay yimaadaan Caasimadda Soomaaliya.
Maxamed Axmed Cirro Bakaal ayaa ka mahad celiyay sida diirneyd ee loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Fanaanada Xamda Queen oo sheegtay in markii u horeysay ay tahay ee ay Muqdisho timaado ayaa xustay inay fararsantahay, ayna uga mahad celineyso taageerayaasheeda sida wacneyd ee loo soo dhoweeyay.
Ugu dambeyn Fanaaniintan ayaa uga mahad celiyay Hey’adda CCD inay gacan ka geysatay imaanshahooda magaalada Muqdisho, ayna ku faraxsan yihiin inay Bandhig Faneed ay qaban doonaan habeenka Ciida.
Fanaaniintan ayaa fadhiguudu yahay caasimada Somaliland ee Hargaysa iyagoo dhawr jeer isku dayay inay Muqdisho tagaan laakiin ay u suurtoobi wayday,kadib markii qaar ka mid ah oo uu ku jiro guddoomiye Xassan Dhuxul Laabsaalax lagu xidhay Madaarka Caasimada Somaliland ee Hargaysa.
Fanaaniintan ayaa inta badan waxa gacanta ku haysay xukuumadda iyo Tvga Hctv kuwaasi oo ka qayb galin jiray barnaaminyada madadaalada ah ee fankooda ku saabsan wallow dhawr jeer ay labadabais khilaafeen.
Fanaaniintan ayaa taageerayaal xoogan ku lahaa gudaha Somaliland,kuwaasi oo niyad jab ka muujiyayMar ay barnaamij u qabteen Tvga Somaliya,kuwaasi oo iska lumiyay Taageerayaal badan .
Xigasho; Toosh
QJ/SDN: Hargeysa