BUUGII CAGAARNA EE XISBIGII KULMIYE IYO XUKUUMADA SIILAANYO LABA AAN IS QABAN !! W/Q : Ahmed Karaama
Waxaynu ogayn In Tartankii doorashada Madaxtooyada ee 26/6/2010 ay qoreen Xisbigii kulmiye Buug ay ugu magac dareenbuuga cagaaran , Hadaba Waxaa Lagama maar-maan ah in bulshadu ku qiimeeyaan dawlada wixii ay shalay lahayd iyo maanta waxay ku xukumayso dalka ma yihiin wax is waafaqsan ee aan lagu taageerin qabiil iyo nin jeclaysi, hadaba maanta aan dib u milic -sano Waagii Ololaha Waxay odhan jireen amba ay ku qoreen buugii ay u baxsheen buuga cagaaran ee Xisbiga kulmiye ,iddinkuna aad markhaati iga ahaydeen Wakhtigaas, Waa kan Qoddobo ka mida ee Akhri oo dabadeed ku miisaan Milgaha maanta ee dawlada .
1: TAABO_GELINTA XUKUN WADAAGA DALKA
dawlada maanta inoo dhisani waa mid tamar daran oo baahiyaha horumar ee qaran ee jira innaga saari karayn .waa mid aan la jaan-qaadi karin casriga maanta jira.maamuulka dawlada hoos looma daadejin golaha wasiirada ee maanta jiraa waxaa uu ka kooban yahay Dhawr iyo konton Wasiir iyo wasiir ku xigeen iyo wasiiro dawle oo aan tayo lahayn. hadaba si loo taabo-galiyo maamuul wanaaga loona dhiso hay,ado dawladeed oo adag oo mug weyn leh .kulmiye wuxuu meel marinayaa mabaadi,da xukun wanaaga ee hoos ku qoran :
1: DHISIDA DAWLAD KOOBAN.
kulmiye marka uu ku guuleysto hogaaminta dalka waxa uu sameynayaa gole xukuumadeed oo koobaan ,tayo leh iyadoo kulmiye ka shaqayn doono sameynta jiritaanka wasaarad ama haay,ad kasta oo xukuumadeed ,xilkeeda,qaab-dhismeedkeeda iyo xidhiidhka ay la leedahay haayadaha kale ee dawladda ..
2: DHAMEYS-TIRKA HANAANKA DIMUQRAADIYADA
Ahirgelinta hanaanka dimuqraadiga ah oo waadaqsan diinta islaamka iyo dhaqankeena suuban ee soomaliyeed iyadoo laga faa,iidaysanaayo waayo aragnimada waxtarka leh ee dadyawga adduunka ee dimuqraadiga ah. isagoo taaska duulaaya kulmiye waxaa uu furi doonaaxisbiyada waad ogeyd wixii ka dhacay
.3 : KALA MADAX-BANEYNTA AWOODAHA HA,YADAHA QARANKA.
Xisbiga kulmiye waxa uu ku talaabsan doonaa qorshe cad oo saldhig adag loogu sameynaayo hagaajinta waajib gudashada hayadaha qaranka. isaga oo hubinaya kala madaxbananeynta ,is ilaalinta iyo isu dheelitirka awoodaha hayadaha dawlada ee fulinta ( executive) garsoorka ( judiciary) iyo sharci dejinta ( legislative ) . waanad aragta awooda xirsi iyo aamina weris iyo waliba faro galinta lagu hayo baarlamaanka ishaa macalina Muwaadin..
4: HORUMARINTA SAXAAFADA.
Dhiiri-gelinta iyo kobcinta saxaafada xorta ah iyo madaxbabaaneynta iyo horumarintawarbaahinta waxaana loo dejin doona siyaasad ku wajahan helidda iyo fidinta xorta ah ee wararka
• In la abuuro haayad qaranka warbaahinta oo hoos imanaysa gudi madax banaan .
• in si deg deg ah xayiraada aan dastuuriga ahayn looga qaado furashada idaacado gaar loo leeyahay iyo nooc kastoo warbaahina.Kuwani waxay ka mid yihiin Qodobadii qalinka aan macnaha ku fadhiyin lagu duugey , ee aan maantana 90% aan la dhaqan galin waxay na cadeyn u tahay doonta sii dhacaysa dadkayguna saaran yihiin ee xukuumada siilaanyo . Wuxuu maqaalkan bar bilow u ahay wax yaalihii ay ku qoreen kulmiye buugoodii ma fuliyeen Mise may fulin . intii aad ku wareeri lahayd xisbiyada iyo xukuumada hadaladay is waydaar sadaan markay wada doodayaan fadlan adigu akhri buuga cagaaran dabadeed qiimee wixii la qabtey iyo wixii kale.
Qallinkii : AXMED CABDI XASAN ( Ahmed karaama)