Wakhtiga Uu Qabsoomayo Shirka Golaha Dhexe Ee Xisbiga Kulmiye Oo Si Rasmi ah Loo Shaaciyey
Hargeysa:Sep,22,2015(SDN/QJ)-Waxa maanta si rasmi ah loo shaaciyey Wakhtiga rasmiga ah ee uu qabsoomayo shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga Talada Somaliland haya ee Kulmiye, kaas oo muddo dheer la sugayey.
Shir jaraa’id oo ay maanta Saraakiisha Xisbigaas oo uu hormood ka ahaa Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Mudane Saylici, ahna Guddoomiye-ku-xigeenka Afraad ee Xisbigaas, Guddoomiyaha Xisbiga Muuse Biixi Cabdi iyo Ku-xigeenadiisu oo lagu qabtay Xarunta Madaxtooyada Somaliland, ayaa lagu sheegay in Shirweynaha Golaha Dhexe ee Xisiga Kulmiye uu qabsoomi doono Horraanta Bisha November ee Sanadkan, iyadoo Xubnaha Xisbigana la faray inay diyaar garoobaan.
Madaweyne-ku-xigeenka Somaliland, ayaa ugu horrayn hadalka kusoo dhaweeyey Guddoomiyaha Xisbigaas Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxana uu Guddoomiyuhu sheegay in 10-Ka Bisha November ee Sanadkan la qaban doono shirkaas inta badan dib u dhacayey.
Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay in Hoggaanku Xisbigu dareemayo in Bulshadu si weyn ugu jeelan tahay ku dhawaaqidda xilliga rasmiga ah ee Shirweynaha Xisbigaasi la qaban doono, taasina ay keentay inay wada tashi dheer iyo talooyin dhexdooda ah ay isla garteen in shirkaasi uu qabsoomo horraanta Bisha Kow iyo tobnaad ee Sanadkan.
Dhinaca kale Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi waxa uu ka Hadlay Wareejinta Haahama shidaalka Berbera oo muran badani ka taagan yahay, waxana uu tilmaamay in Xukuumaddu xaq u leedahay inay sidii sharcigu yahay u maamusho.
Sidoo kale Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi waxa uu ka Hadlay isku gacan-ka-hadalkii dhawaan Shirguddoonka Wakiillada ka dhacay, waxana uu tilmaamay in loo baahan sidii arrintaas loo dejin lahaa, isla-markaana loosoo celin lahaa jawigii deggenaa ee Golaha wakiillada, waxana uu xisbiga Waddani ugu baaqay inay arrintaas dhexdhexaad ka ahaadaan.
Warkan oo faahfaahsan goor dhaw filo.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com