|

War Deg Deg ah: Alle Ha u Raxmadee Suldaan Maxamed Cabdilaahi Galaal oo Saaka Salaadii Subax Ku Geeriyooday Makka Al-Mukarama

Hargeysa,22sep,2015(QJ/SDN)-Waxa Goor Dhawayd Salaadii Subax Ku Geeriyooday Cariga Barakaysan ee Maka Al Mukarama Alle ha u raxmadee Suldaan Maxamed Cabdilhi Xuseen ( Suldaan Galaal) oo ka mid ahaa Madax dhaqameedka Waaweyn ee Reer Somaliland Gaar ahaan Hargeysa.

GALAAL

Alle Ha u Naxariistee Suldaan Maxamed ayaa u tagay Maka Gudashada Xajka Waxanu Saaka ku Geeriyooday Maka Abaaro Salaadii Subax, Waxaanu Geeriyooday Saaka Markii uu Diyaar Garoobayay in uu Baxo Muna .

tacsiSuldaan Maxamed Cabdilaahi Galaal ayaa Lagu Xasuustaa Doorkii Shariifka ahaa ee uu ka Qaatay Nabadaynta Ssomaliland isaga oo lagu Xasuusto Doorki Shariifka ahaa ee uu kulahaa Nabadayntii Dagaaladii Sokeeye ee Dalka ka Qarxay 1994 .

Sidoo Kale Suldaanka ayaa Ahaa Nin Caalim ah oo Diin leh  laguna Yaqaanay Sida Dadka Baahan ee Masaakiinta ah uu u Caawin Jiray .

Suldaan Maxamed Cabdilaahi Galaal Alle ha u Naxariistee Wuxuu Ifka kaga Tagay Laba Xaas iyo Sideed Carrur ah oo kala Shan Hablood iyo Saddex Wiil.

TACSI

Inaa Lilaani Wa Inaa Ilayhi Raajicuun , Dhamaan Bahda Toggaherer Waxa Tacsi u Diraysaa Dhamaan Ehelka Qaraabada Ubadka Xaasaska iyo Shacbiga Somaliland Geerida ku Timid Suldaanka Waxaananu Leenahay Samir iyo Iimaan Alle ha Inaga Siiyo, Suldaankana Waxaanu Alle uga Baryaynaa in uu Naxariistiisa Jano Ka Waraabiyo.  اللهم ارحمه ووسع مدخلة وأدخله الفردوس الأعلى Amiin Amiin Amiin

 

 

Comments are closed