|

Ex-Xildhibaan Yuusuf Guuleed Oo Madaxweyne Siilaanyo Ku Hambalyeeyey Guddida Uu U Magaccaabay Wakaaladda Biyaha

BIYO LANAAAAHargeysa,21sep,2015(QJ/SDN)-Ex-Xildhibaan Yuusuf Guuleed Oo ka tirsanaa golihii hore ee deegaanka magaalada caasimada ah ee Hargeysa ayaa madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland ugu hambalyeeyay guddida uu u magacaabay wakaaladda biyaha magaalada Hargeysa, iyadoo xildhibaanku uu sheegay in madaxweyne siilaanyo isaga iyo dad kalaba ay arrintan kala taliyeen, isla markaanna ay wax lagu farxo tahay in maanta wakaaladda biyaha ee Hargeysa loo sameeyay guddi hawlsheeda dardar galiya.

Xildhibaanku waxa kale oo uu sheegay in madaxweynuhu uu guddida u magacaabay ciddii ku haboonayd, isago sheegay in xubnaha ka dhex muuqda guddidan ay yihiin xubno hawlkarnimo iyo dedaal horay ugaga dhex suntanaa bulshada.

QJ/SDN: Hargeysa

Comments are closed