|

“Itoobiya Iyo Somaliland Meel Ayay Ka Wada Taagan Yihiin Wabar Oo Marba Dhagax Ku Dhuumanaya Sidii Argagixisadda”

Hargaysa 21.Sep 2015 (SDN/QJ)- Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Itoobiya Danjirre  Maxamuud Aadan Jaamac (Galaal), ayaa sheegay in dawladaha Somaliland iyo Itoobiya ay ka wada hadleen  sidii loo adkayn lahaa is-kaashiga labada dal ee dhinaca nabadgelyada.

Somaliland-Iyo-Itoobiya
Gaar  ahaana  sidii  tallaabo adag looga qaadi lahaa  suldaan Abuubakar Cilmi Wabarka oo ka   falaagoobay Somaliland, isla markaana   ku dhuumaalaysta   xuduudaha u dhexeeya Itoobiya iyo Somaliland.

 

Danjirre   Galaal,  oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Jigjiga ee caasimadda dawlad  degaanka Soomaalida Itoobiya, isagoo ka mid ahaa xubnihii dhinaca Somaliland ka socday eek a qayb galay shir  laba  geesoodka ahaa oo  magaalada Diridhaba ku dhex maray mas’uuliyiin ka kala socday dawladaha Somaliland iyo Itoobiya.

 

Waxaanu  faahfaahin ka bixiyay waxyaabihii shirkaasi lagaga hadlay iyo go’aamadii ka soo baxay, isagoo Danjirre Galaal  carabka ku dhuftay in labada dal ka wada hadleen arrimo la xidhiidha nabadgelyada, tahriibta iyo arrinta Suldaan Wabar, isla markaana ay isku afgarteen sidii meel looga soo wada jeedi lahaa arrimahaasi.

 

isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa ugu weynaa qodobadii shirkaa ka soo baxay ee la isku af-gartay in meel looga  soo wada jeedsado  xagga amniga iyo nabadgelyadda,  siiba argogixisada iyo nabad-diidka. Waxaa  dawlada Itoobiya aanu isla qaadanay  in meel looga soo wada jeesto  wixii khal-khal gelinaya Jamhuuriyadda Somaliland, degaanka Soomaalida Itoobiya ama dawlada Federaalka ee Itoobiya.

 

Meel  baan uga soo wada jeednaa arrimaha Tahriibta oo go’aan ayaa laga gaadhay oo amniga khuseeya, waxa aan u sheegayaa cid alaale cidii tahriibta ka shaqaysa in arrimihii is badaleen oo ay adkaatay sidii wax looga qabanayay iyo ciqaabtii la marinayay tahriibayaasha”.

Waxa   kale oo uu tilmaamay Danjirre Galaal,  in dawlada Itoobiya ay ka wada hadleen sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa suldaan Wabar, isagoo xusay in dawladda federaalka Itoobiya ay u cadaysay in ay tallaabo ka qaadayaan suldaan Wabar iyo cid kasta oo loo arko in ay nabadgeliyadda wax u dhimayso.

 

Waxaanu yidhin  “Dawladda Federaalka Itoobiya mudaba waxa ay lahayd haddii aanu ogaano inuu dhulkayaga joogo Wabar ama cid alaale cidii qas gelinaysa ama nabada ka soo horjeeda ama argogixiso lagu sheegi karo tallaabo ayaanu ka qaadaynaa.  Wabar waxaan odhan karaa waa argagixiso mar haddii uu hub qaatay oo dad masaakiina wax yeelo u gaystay”.

Waxaanu  intaa ku daray “Markaa dawlada Itoobiya waanu isla soo hadal qaadnay Wabar iyo wixii  la mid ah,  dawlada degaanka Soomaalida Itoobiya iyo dawlada Federaalka  ee Itoobiya iyo dawlada Somaliland meel  ayay ka wada taagan yihiin Wabar, ninkaasi waa nin sidii Bini Laadin marba dhagax hoostii ku dhuumanaya. Waxa kale oo laga heshiiyay sidii waxyaabaha labada dal wadaagaan wax looga qaban lahaa,  oo loo wadi lahaa dekeda Berbera iyo hawlaha kale ee labada dal wadaagaan” ayuu yidhi Safiirka Somaliland u fadhiya Itoobiya.

Dhinaca kale  gabagabadii shirkaasi u socday labada dal ayaa waxaa lagu kala saxeexday heshiis iyo go’aamo  qoraal ah, waxaa kala saxeexday Hogaanka Nabadgalyada, Maamulka iyo Cadaalada Dawlad deegaanka Soomaalida mudane Yaasiin Cabdi Waris iyo Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland mudane Cali Maxamed Warancade. Iyadoo go’aamada heshiiskuna ahaayeen in labada dhinacba ay kawada shaqeeyaan dhinacyada ladagaalanka argagixisada, ladagaalanka nabad-diidka, dhanka daris wanaaga iyo dhaq-dhaqaaqa ganacsiga xorta ah.

Hadaba heshiiskan ayaa waxaa goob-joogayaal uga ahaa dhanka Dawladda Federaalka Itoobiya iyo Ismaamulka Dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Madaxwaynaha Kililka Shanaad mudane Cabdi Maxamuud Cumar, Wasiiru dawlaha wasaarada Arimaha Dibada ee dawlada dhexe mudane Birhane Gebre Kristos, Jananka ciidamada difaaca qaranka ee qaybta koonfur bari Itoobiya mudane Abraha, Jananka ciidanka xooga gaarka ah ee DDSI mudane Cabdiraxmaan C/laahi Buraale, hay’adaha kale ee amniga heer deegaan iyo gudoomiyeyaasha gobolada deegaanka.

 

Comments are closed