Maamulka Puntland Oo War-saxaafadeed Ku Faahfaahiyey Mawqifkooda Shirka Muqdisho Ka Furmay Ku Saabsan
Garowe:Sep,21,2015(SDN/QJ)-Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, ayaa goor dhaweyd war-saxaafadeed dhawr qoddob ah kasoo saaray Mawqifka Maamulkaas ee la xidhiiidha ka qaybgalka shirka Muqdisho ka furmay oo ay ka biyo diidsan yihiin.
War-saxaafadeedkaas, ayaa waxa lagu sheegay in maamulkaasi gebi ahaanba shirkaas iskaga baxay, isla-markaana, kadib markii ay saluug badan tirsadeen.
Halkaan ka Akhri War-saxaafadeedka.
Dawladda Puntland iyadoo ilaalinaysa mas’uuliyadda ka saaran dadkeeda iyo ummadda Soomaaliyeed waxay go’aansatay in ay ka qeyb-qaadato geedi socodka doorashooyinka 2016-ka. Puntland waxay si rasmi ah uga soo qayb qashay shirka Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka 2016 ee ka furmay Muqdisho 19 Sept, 2016.
Daahfurkii shirka waxaa ka hadley Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas, wuxuuna u sheegay madaxda Soomaaliyeed iyo beesha caalamka in Puntland ay diyaar u tahay ka qeyb-qaadasha hiigsiga doorashooyinka 2016.
Madaxweynuhu wuxuu khudbadiisa ku sheegay in ay jirto arrimo badan oo Puntland aanay raali ka aheyn isla markaasna ay doonayso in la saxo inta ka horaysa gudagalka hannaanka geedi socodka doorashada 2016. Wuxuu kaloo Madaxweynuhu ugu baaqay beesha caalamka in ay ummadda Soomaaliyeed u noqdaan dhex-dhexaad.
Ergadii Puntland waxay ka qeybgaleen shirkii kowaad ee guddiga farsamo ee la qabtay 19 September, waxayna Puntland u caddaysay shirka in laga doonayo DFS inay caddayso sharciyada Maamulada qaarkood ay ku fadhiyeen shirka taasoo ay DFS ay ku guuldaraysatay.
Sidaas darteed Puntland waxay ka baxday shirka maalintaas, kadibna waxay u diyaar garowday sidii shirka loo sixi lahaa.
Dawladda Puntlad waxa ay u soo bandhigtay DFS, Dawladaha xubinta ka ah DFS iyo beesha caalamka mabaa’diida aasaasiga ah iyo aragtideeda ku aadan geedi socodka dooroshada 2016 taaso ay tahay in la fulliyo ka hor doorashada.
DHAMMAAD
Afhayeenka Madaxtooyada Dowladda Puntland
Cabdullahi Maxamed Jaamac (Quraan-jecel)
SDN/QJ