Akhri Magacyada Saraakiil Ururka ONLF Katirsanayd Oo Ay Kooxda Al-shabaab Gawraceen
Nairobi:Sep,21,2015(SDN/QJ)-Sida lagu caddeeyey War-saxaafadeed kasoo baxay Ururka ONLF oo u dagaallama Xorriyada Gobolladda Ogadenia ee Gudaha Ethiopia, waxa Kooxda Al-shabaab, ay Gawraceen Saraakiil Ururkaas katirsan oo muddo la la’aa.
ONLF waxay sheegtay in Mudo Bilooyin ah ay raadinaysay Xubno sare oo kamid ah Ururkaasi oo Al shabaab ka afduubay, kuwaasi oo ugu danbeyntii Sirdoonka Ururkaasi ogaaday inay Al shabaab ku gowraceen Deegaanka Yaaq-bariweyne ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
War Saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Cabdicasiis Maxamad Dahir, oo kamid ahaa Golaha dhexe ee Ururkaasi iyo Maki Cumar Cabdi oo Mas’uul ka ahaa Arrimaha Daryeelka Ogoonta la afduubay Bisha May 8, 2015 xilli ay kaoso tageen Magaalada Baydhobo kuna sii jeedeen Ethiopia.
ONLF waxay sheegtay in Amarka lagu dilay Labadaasi Mas’uul uu bixiyay Nin lagu magacaabo Isaaq Dhuxulow, oo kamid ah Hogaamiyaasha Al shabaab, una qaabilsan Maamulka Yaaq-bariweyne markii uu ogaaday in Mas’uuliyiintan ay afduubka uhaystaan kamid yihiin ONLF.
ONLF ayaa waxay kaloo sheegtay inay aad uga xun tahay Dilka loo geystay Mas’uuliyiinta, oo ay ku tilmaantay inaanay ahayn kuwii ugu horeeyay oo gacanta Al shabaab ku baxa.
Ururka ONLF ayaa ku eedeeyay Al-shabab inay sidan oo kale hore u gowracaan Saraakiil Ururkooda katirsanaa, oo 8 xubnood gaadhaya , kuwaasi oo uu kujiro madaxii hore ee Ciidamada ONLF Ilyaas Sheekh Cali.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com