|

Greece oo sanadkan doorashadii sexdexaad ay ka dhacday iyo cida ku guuleysatay

Athens Sept 21,2015(SDN/QJ)-Dalka Greece ayaa la shaaciyay natiijada doorashooyinkii sedexaad ee isla sanadkan dalkaa ka dhacda.

Greece ayaa waxa sanadihii u danbeeyay hareeyay qalalaase dhaqaale oo dalkaa ganacsigiisa iyo madax banaanidiisaba jilbaha u dhigtay.

Greece ayaa Midawga Yurub tiroba dhaw jeer ka dalbatay gacan qabad dhaqaale si dalkaasi aanu u musalifin.

Reer Yurub ayaa dawlada Greece ka dalbatay in la kordhiyo canshuuraha isla markaana hoos loo dhigo kharashaadka adeega bulsho.

Xisbiga Syriza oo uu hogaamiyo Alexis Tsipras ayaa si baaxad leh uGu guuleystay doorashooyinkii shalay.

Syriza ayaa si weyn u diidan soojeedimaha reer Yurub ee xakameynta kharashaadka dawladeed iyo canshuur kordhinta.

Rerr Yurub ayaa doorashooyinka dabadeed sheegay in dawlada Greece ay ka waantowdo balan qaadyada aaney fulin kareyn.

SDN/QJ-Athens

contact@qurbejoog.com

Comments are closed