|

Shirkii Dawlad Goboleedyadu Muqdisho ku Lahaayeen oo Qarka u Saaran inuu Burburo,Punt land oo ka Baxday,Iyo Jubaland oo Xamaanta Uruursatay

Muqdisho, 20 Sep 2015 (SDN/QJ)-Warar hada soo gaadhaya Qurbejoog.com ayaa sheegaya in madaxwaynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud uu diiday inuu mamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe u aqoonsado mamul ka baxay KMG, taas badalkeeda wuxuu ku xiray in Axmed Madoobe aqoonsado mamulka Galmudug ee Cabdikariin Xuseen Guuleed.

sssssMadaxwaynaha Jubbaland Axmed Maxmaed Islaan Madoobe ayaa isaga soo baxay shirka wadatashiga Soomaaliya ka dib markii laga hoos qaadi waayay qorshaha Jubbaland ee shirku kusoo bandhigtay, wuxuna saluug ka muujiyay sida dowladda dhexe wax u wado, wuxuna Axmed Madoobe doonayaa in wax kasta lagu socod siiyo nidaamkiii saxiixayaasha tubta nabadda ku heshiiyeen ee dastuurka KMG ah lagu sameeyay.

Madoobe ayaa lagu soo waramayaa inuu galabta shirka kula soo laaban doono qodobo adag oo ku aadan inuusan raali ka ahayn in mamulkiisa dowladda dhexe KMG u aqoonsan tahay, waxa kale oo warka hada soo dhacay sheegayaa Jubbaland inaysan raali ka ahayn in la aqoon-sado mamul Dastuurka KMG ah ka hor imaanaya.

Ma jirto ilaa iyo hada war intaasi dhaafsiisan oo dhanka Jubbaland laga helayo, walow ay socdaan ilaa iyo hada saakadii hore shirar looga hadlayo xal u helida qodobada hor istaagay qabsoomidiisa shirka hiigsiga Soomaaliya.

gaas-madoobe-640x473Maxaa ka cusub dhanka Puntland ?

Madaxwayne Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo galinkii hore maanta cadeeyay inuusan shirka lasoo fariisan doonin madaxwaynaha Galmudug ayaa hadda Muqdisho kulan kula leh Xildhibaanada kasoo jeeda Puntland ee Baarlamaanka DFS ku jira, wuxuna kala tashanayaa arrimaha la isku mari la yahay oo ay ugu horayso aqoonsiga mamulka Cabdikariin Xuseen Guuleed ee ka kooban Gobalka iyo Barka, iyo in lagu tunto dastuurkii horay loogu wada heshiiyay.

Puntland ayaa weli ku adkaysanaysa in dib loo saxo wixii dhanka dowladda Federaalka ka khaldamay oo ay ka mid tahay is-badalka lagu sameeyay dastuurka iyo heshiis-yada dowladda dhexe gashay iyadoo aan lagala tashan mamulada dalka, sidoo kale Puntland ayaa diidan xeerarka Baarlamaanka la hor geeyay ee la meelmariyay dhammaan wixii sharciyada ahaa ee Golluhu ansixiyay lagalama tashan mamulada qaybta ka ah dowladda Federalka Soomaaliya.

War intaasi dhaafsan oo ka waramaya kulanka Gaas ee xildhibaanada ma soo bixin, balse madaxwayne Gaas ayaa rajo ka qaba inaan goobta lagu kala tagin oo ay kasoo baxaan qodobo masiirka umadda horsocod u ah isla markasna ilaalinaya dastuurka iyo shacriga dalka u yaala.

Beesha caalamka oo beri ka ah khilaafka madaxda Soomaaliya.

42A4A21C-BAAC-4927-944E-E9A4EDEFFFA5_w640_r1_sWakiilada beesha caalamka ee shalay ka qayb galay furitaanka shirka madaxda Soomaaliya ayaa ilaa iyo hada banaanka ka jooga khilaafka iyo is-faham waaga u dhaxeeya, waxayna ka dhowrayaan in go’aamo isku raaceen kasoo baxaan balse waxaa ragaadiyay khilaaf iyo aqoonsiga Galmudug oo Jubbaland taago looga dhigay teeda.

Beesha caalamka ayaa haddii ilaa galabta go’aamo soo saari waayaan madaxda is-didan soo faragalinaysa, waxana laga yaabaa inay xal u keento mushkilada taagan oo ay kow ka tahay in Puntland iyo Jubbaland aqoon sadaan Galmudug.

Dastuurka KMG ah ee dalka ayay Puntland iyo Jubbaland isku raacsan yihiin in wax laga badalay, arrintaasina ay tahay qiyaano qaran iyo khilaaf hor leh, mana muuqata xal loo helay xaalada Dastuurku ku sugan yahay.

Muqdisho ayaa galabta si weyn looga hadal hayaa shirka Villa Somalia ka socda oo maanta qabsoomi waayay, waxaa socda kulamo gooni gooni ah oo madaxda Soomaalida iyo kuwa mamulada dalka wadaan.

 

Muqdisho SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed