Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo Daahfuray Mashruuca Biyo Balaadhinta Caasimada Hargaysa DAAWO/SAWIRO
Hargaysa 20.Sep 2015 (SDN/QJ)- Madaxweynaha JSL Md Axmed Maxamed Maxamuud siilaanyo ayaa maanta soo kormeeray mashruuca biyo balaadhinta caasimada isla markaana ka qayb galay munaasabad lagu daah furayey mashruucaasi oo ka dhacday hotel Maansoor ee Magaalada Hargaysa.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa kormeer ku tagay Deegaanka Biyaha Shiinaha oo ay ka socoto balaadhinta iyo biyo gelinta Caasimada hargeysa, waxaana Madaxweynaha booqashadiisan ku wehelinaayey qaar kamida Golaha Wasiirada, Mudanayaasha Guurtida iyo Wakiilada, Maayirka Caasimada Hargeysa , Maareeyaha Wakaalada Biyaha, Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha, masuuliyiin ka socotay Hay’addaha UN-ka, gaar kamida Sakaariisha kala duwan ee Laamaha Amaanka.