Nuxurka Khudbad Uu Madaxweyne Siilaanyo Maanta Ka Jeediyey Dhagax-dhigga Mashruuca Biyo Ballaadhinta Hargeysa Oo Ay Ku Baxayso Lacag Dhan $50-Milyan
Hargeysa:Sep,20,2015(SDN/QJ)-Madaxweyne Siilaanyo, ayaa Khudbad kooban oo nuxurkeedu ahaa sidii Caasimadda Hargeysa Biyo ku filan loogu heli lahaa ka jeediyey Munaasibad loo qabtay Biyo Ballaadhinta Hargeysa, waxana uu tilmaamay in xukuumaddiisa ay ka go’an tahay sidii Biyo ku filan ay Reer Hargeysa u heli lahaayeen.
Madaxweyne Siilaanyo waxa uu ugu horrayn faahfaahin ka bixiyey Xaddigia lacagta ku baxaysa Mashruucan iyo Muhiimadda uu Dalka ugu fadhiyo,
“Dawladdaydu waxay isku Hawshay sidii dalku u heli lahaa Biyo, gaar ahaan Caasimadda oo in muddo ahba uu ka socday mashruuca Biyo-ballaadhinta ee aynu maanta joogno, waxana ku baxaya xaddi lacageed oo gaadhaya konton milyan oo dollar. Waxa kale oo jira mashruuca xubno weyne oo isagana ay maaalgelisay Dawladda Imaaraadka Carabtu, kaas isagana Hawshiisa gacanta lagu hayo, waxana aan rajaynayaa in marka ay mashaariicdaasi dhammaadaan in dhibaatadii ka taagnayd Biyaha caasimadda Hargeysa laga bogsan doono.” Ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.
Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay inuu Geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay sidii Hargeysa ay Biyo u heli lahayd, waxana uu yidhi,“Walaalo-yaal Biyuhu waa noloshii, waxana ay leeyihiin mudnaan, anigoo taas tixgelinayana waxan isku dayey tallaabo kasta oo dhibaatadaas lagaga bixi karo iyo cid kasta oo naga caawin karta inaanu la kaashano, waxana ilaahay mahaddii noo suurto gashay Hawshan ballaadhan oo imimka alleh dhawaan laga cabbi doono.”
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com