Madaxweyne Siilaanyo Oo Dhagax Dhigay Mashruuca Biyo Ballaadhinta Hargeysa
Hargeysa:(SDN/QJ)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa maanta dhagax dhigay Mashruuca Biyo ballaadhinta magaalada Hargeysa ee Deegaanka Geed-deeble ka imanaya, kaas oo kor loogu qaadayo Biyaha magaalada Hargeysa.
Madaxweyne Siilaanyo iyo wafti uu hoggaaminayo oo iskugu jira xukuumaddiisa, Hay’adaha Biyo ballaadhinta Gacanta ku haya iyo Wakaallada Biyaha Hargeysa, waxana ugu horrayn kormeer lagu soo sameeyey Hannaanka ay biyo ballaadhintaasi u socoto iyo Beebka biyaha oo qoditaankoodu socdo.
Intaas kadib waxa madaxweynuhu ka qaybgalay munaasibad kooban oo dhagax-dhigga loogu qabtay Hutel Mansor ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa halkaas hadallo kooban ka jeediyey saraakiisha saree e Hayadaha Unhabitat, EU-da, Wakaalada Biyaha Hargeysa iyo kuwo kale waxana lagu faahfaahiyey ujeeddada mashruuca Biyo ballaadhinta Hargeysa, waxana la sheegay inuu mashruucaasi socon doono ugu yaraan muddo sanad ah.
Madaxweyne Siilaanyo oo halkaas ka Hadlay, ayaa farxad weyn ka muujiyey Mashruucan oo la tilmaamay inuu wax weyn ka tari doono Biyo la’aantii magaalada Hargeysa, isla-markaana dhammaadka sanadka soo socda ay Hargeysa heli doonto Biyo ku filan.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com