Wasiirkii hore ee wasaarada Qorsheynta Somaliland Cali Sanyare ayaa khudbad uu ka jeediyay Jaamacada Golis si qoto dheer uga waramay Tahriibta
Hargeysa Sept 2015(SDN/QJ)-Wasiirkii hore ee wasaarada Qorsheyta iyo xiriirka Caalemiga ee Somaliland Md Cali Maxamed Ibrahim (Cali Sanyare) ayaa khudbad uu ka jeediayay qolka shirarka ee Jaamacada Golis waxa uu si cilmiyeysan uga waramay Tahriibta.
Cali Sanyare oo khudbadiisa ku cabiray marxaladihii kala duwanaa iyo asbaabaha ku xeeran Tahriibta ama Tacabirka ayaa khudbadiisu sidan aheyd:
“Mawduuca aynu caawa ka hadleena ee ku saabsan “aragtiyooyinka wadaniyeed iyo
caalami ee tacabirka ama tahriibta waa mawduuc balaadhan.”Si aanu mawduucu
inoogu fidin,waxaan is-dul-taagi doona qodobadan soo socda:
1) Ka hordhac ahaan, waxaan ka hadli doona magacii hore ee tahriibta aynu u naqaanay
iyo faraq u dhexeeya labada magac ee ay hadda yeelatay.
2) Tahriibtu ma wax dalkeena ku cusba mise waxa ahayd soo jireen .
3) Tirada dadyowgii gaafwareegayey dunida sanadkii 20014.?
4) Halkii bay ka kala yimaadeen dadyowgaasu ?
5) sababaha keena In laga haajiro dalalka hooyo maxay yihiin?
6) Sideebay dalaka qarkood ula saaxiibeen tahriibta ?
7) Muxuu dalka hooyo ka faa’iida tahriibta mise waa faa’iidooyin la’aan ?
8) Ugu dambeen,gabagabedu waxay soo jedin doonta talooyin iyo digniin.
1) Magacyada TACABIR IYO TAHRIIBI maxay kala yihiin ?
Ma garanayo sida kelmada TAHRIIBTU afkeena hooyo ugu soo biirtay ama u soo gashay. Intii aan ugraadeystay, dadkeenu weligood way dhoofi jireen .Waxaa berigaas lagu tilmaami jiray socdaalkaas “TACABIR”. Qofkuna wuu tacabiri jiray ee muu tahriibi jirin . Labada kelmadood TACABIR IYO TAHRIIBI,asal ahaan, waxa laga soo amaahday afka carabiga ah. Hase yeeshee, aniga way iikala macaanyihiin.TACABIRKA, sidii wakhtiga hore loo fahamsanaa , wuxuu tilmaami jiray qof katalaabaya ama ka-gudbaya badaha iyo soohdimaha dalal kale. Wax ceeb ihina kelmada ku may jirin.
Laakiin,TAHRIIBTU, waxay iila muuqata kelmad kontrabaannimo iyo tuugeysi ku hoos jiro, oo aan laaqi ku ahayn qofka nolol-doonka ah ee socdaalaya. Waxaan doorbidi lahaa, in aan khudbada ku isticmaalo kelmada ,”TACABIRKA” oo keliya. Laakiinse, si da’yartu u fahanto, waxaan Isla-isticmaali doona labada kelmadood oo wada socda.
2) Tirakoobka dadyowgii tacabiray ama tahriibay sanadkii 20014.
Waxaa xasuus mudan in TACABIRKU ama TAHRIIBTU ay dunida ka jirtay ila markii
deegaamenta magaalooyinka bilaamay oo ah boqolaal qarni ka hor.
Waxa lagu qiyaasay dadkii soo-tacabiry ama soo-tahriibay sanadkii 2014ka ee gaaf- wareegayey dunida,iyagoo ay wehilyeen kuwii saldhigay ee soogalooti dal kale u noqday, ilaa 232 milyan oo qof. Boqolkiiba 48% waxay ka sii ahaayeen haween.Marka tira-koobka la barbar dhigo tirada dadka dunida oo dhan ku nool,waxay ka noqdeen boqolkiiba 3.1%. Waxay warbixinta ILOdu saadaalineysa in tirada dumarka tacabiraya ama tahriibaya ay sii kordhi doonto sanadaha soo socda. Sanadihii 1990kii, wuxuu tirakoobka dadkaas oo dhami ahaa 75 milyan.
Wuxuu tirada tacabirku ama tahriibtu saddex boqol laabmay muddo rubci qarni ah.Tirakoobku, wuxuu inoo tilmaamaya in haddii isbedel ku Imanin xaaladaha sii xumaanaya ee dunida hadda ka jira, sida dhaqaale xumada, nabadgelyo xumada, shaqo-la’aanta iyo isbedelka cimiladu ay keentay sida roob- yaraanta, in tirada dadka tacabiraya ama tahriibaya ay sii kordhin doonaan.
3). Dadka tacabira amase tahriiba xageebay ka kala yimaadaan ?
Dadka tacabira ama tahriiba badankoodu waxay ka yimaadaan qaaradaha Laatiin Ameeerika iyo Eyshiya. Tirada qaarada Afrika ka timaada waa ta ugu yar. Maalmahan,dad badan oo carbeed ayaa Yurub kusii qolqolaya sababo nabadgelyo xumo oo ka jira dalalkood awgeed.
Berylhii hore dalkeena waxa ka tacabiri jiray dhalinyaro reeruhu iyo qoysaskooduba ku dhiirigeliyaaan tacabirka. Marka laysku raaco qofka dhoofaya ayaa geel loo xaraashi
jiray si kharashkii safarka loo xaqiijiyo. Doonyo Berbera ka baxa oo CADAN u socda
ayey sii-raaci jireen. CADAN waxa ku qaabili jiray tolka halka jooga oo
Xilku ku wareegi jiray. Iyana, way isa- sii-dhaafin jireen markii khadka labaad ee safarka
ay u xidhaan. Qarkood, maraakiibta xamuulka ee Dekedda CADAN ku soo xidha, kuna socda dalka ingiriiska ayey ku sii dhuuman jireen. CADAN waxa xukumi jiray
ingriiskii Somalilandna xukumay. Waxay ahayd magaalo camiran oo barwaaqeysan oo
leh marso ama deked caalami ah iyo SUUQ ganacsi oo maxmiyadii Somaliland ee
Ingriisku gumeysan jiray ay aad ugu xidhneed.
Waxaan xasuusta kontamaadka dhamaadkiisii will dalinyaro ahaa wakhtigaas, laakinse
aniga aad iiga weyna oo xigto iyo saaxiib ahayn, oo la odhan jiray CABDI CARTE, ayaa
Berbera ka dhoofay, Isagoo ku sii jeeda CADAN. Todobaad kadib, waxa naloo soo sheegay inay doontii duufaan qaaday. Dadkii iyo duunyadii ay sideyna ay dhamaantood
badii liqday. Markaasbay barootii ka bilamatay guryihii reerka.
Waxaan sheekooyinkan gaagaaban usoo tebiyey, in aan idiin cadeeyo in TACABIRKU ama TAHRIIBTU aanay dalkeena ku cusbeyn. Balse ahayd wax soo jireen ah ilaa
qarnigii labaatanaadka bilowgiisii. Dadkuna wuu isku- wada-raacsana TCABIRKA ama Tahriibta oo waxa loo arki jiray fursad shaqo ama xoogsi.
4) Sababaha dhaliya Tacabirka ama Tahriibta maxay yihiin?
Khubarada ku-xeel-dheer arrintani, waxay xaqiijiyeen in sababaha keeni kara TACABIIRKA ama TAHRIIBTA ay badan karaan. Hase yeeshee lixdan qodob ee hoos ku qorani ay bud-dhig u noqon karaan .Kuwass oo kala ah:
1) Nabadgelyo xumo dagaalo sababeen.
2). Rajo la’aan nololeed oo ay keentay shaqo la’aan baahsani, iyo dhaqaalihii dalalka qaarkood oo si xaq ah loogu haqsoorin bulshada oo markaas dhalisay sadbursi dabqaadeed oo aan weli la toosin.
3) Cimilo xumo ku habsatay dalalka qaarkood oo waxyeeleysay deegaanadii ay ku nooleyd bulshadu iyo hantidoodiiba.
4j. Cadaadis Siyaasadeed ama diineed oo kooxo gaar ah lagu bartilmaasaday.
5). Midabtakoor ama gumeysi bulshada qaarkood lagula kacay.
6) Teknolojiyada dunida maanta laga isticmaalo oo sahashay isku-gudbinta wararka, Isla markaasna fududeysay oo dhiirigelisay dadyowga tacabiraya ama tahriibaya socdaalkooda.
Dadka tacabira ama tahriiba waxay u badanyihiin dhalinyaro ay sideeduba baqashadu ku yartahay. Waxaan yaraanteydii maqli jiray, haddana, dhalinyarada Somaliland joogta qaarkood ku hadaaqaan in tacabirku ama tahriibtu tahay “DHIMASHO ama NOLOL”. Markuu qof da’yar ahi ku qanco odaahda, wuxuu markiiba dumiyey darbigii ku xeerna ee baqashada . Cid soo loodin kartaana ma jireyso Ilaa uu higsigiisii uu soo taabto,amase ,tii alle ba u timaado.
Bal aynu halkan is-yar-dultaagno hadalo dadka qaar ka soo yeedha markii dhimasho laga soo wariyo Tacabirka ama tahriibta. Waxay si dadban oo khaldan dadka ufahamsiiyaan in qofkii ku dhinta tacabirka ama tahriibta aannu geeriyoodeen haddaanu socdaalkaa u badheedhin . Aragtidani waxay khilaafsantahay diinteena suuban ee inoo bayaamisay in wakhtiga iyo meesha qofku ku dhimanayo ay qorantahay oo aan hal daqiiqo la dhaafsiin karin. Geeriyi waa xaq. Imisa dhalinyaro ah ayaa dalka gudihisa ku dhinta, oo qarkoodna ,si darxumo ku jirto u silcayaan.
Markii aan wareystay dhalinyaro ka soo badbaaday safarka, oo hadda ka shaqeysata dalalka Yurub, waxay iixaqiijiyeen in dhalinyarada ka- samatabaxda ay aad iyo aad uga badanyihiin kuwa naftooda ku waaya tacabirka. Warkaas waa la rumeysan karaa. Balse, waxa loo baahanyahay daraasaddu cilmiyeysan oo si ka-xeel dheer u soo tebiya xaqiiqada jirta. Taasina waa masuuliyada xukuumada iyo macaahida ku taakhasusay cilmi-baarista.
5) Tacabirka ama Tahriibta ma la xakameyn kara mise waa lala saxiiba.?
Iyadoo sababaha keena tacabirka ama tahriibta ee hore aynu ku soo sheegnay wax laga qabto mooyaane, umaleyn-maayo in cidna xakameyn karto ama yareen karto tirada dadka NOLOL DOONKA ah ee socdaalaya. Hore, ayaa taas loogu soo daaley. Hase yeeshee, tacabirka ama tahriibta waa lala saaxiibi karaa. Dalalka la saaxiibay tacabirka waxay u fasaxaan una fududeeyaan dhoofka bulshadood. Qaarkoodna dalal kale ayey shaqooyin uga raadiyeen ,si ay u helaan NOLOL ka fiican ta ay dalkooda ku haysteen. Dalalka talaabooyinkaas ku dayasha mudan qaaday waxa ka mid ah: Turkiga , dalkii laysku odhan jiray Yugoslaafiya,Siri-Laanka,
Wuxuu Turkigu u diray dalka Jarmalka lixdanaadkiii iyo todobaadtanaadkii kumanaan boqol oo shaqaalaha gacanta ah si Jarmalka uga caawiyaan kobcinta dhaqaalahoodii xawliga ku socday wakhtigaas. Sanadwalbana shaqaale cusub ayaa ku biiri jiray kuwii hore u joogay . Hadda malaayiin turki ah,balse qaate dhalshii Jarmalka ayaa ku nool dalkaas,oo manfac iyo maalba kusoo kordhiyey labada dalba. Waxaa, iyana todobaatanaadkii siyaasad taas la mid ah qaadatay, dalkii laysku odhan jiray Yuguslaafiya oo,iyana shaqaale u dirtay dalka HOLAN iyo dalal kale oo YURUB ah. Dalalka Ayshiya ee magacyadoodu hore aan u soo sheegay, waxay Ilaa hadda u diraan dalalka khaliijka,Sacuudi-Careebiya, iyo dalal kale ee bariga dhexe ku yaal, shaqaalaha gacanta ku shaqeya iyo aqoonyahano kaleba sida injineero iyo dhakhaatiir. Markaad suuqa magaalooyinka dalka Imaaraadka Carabta joogtid, qaar ahaan Dubay iyo Abu-dabay, waxaad moodeysa inaad joogtid Hindiya ama Bakistaan sida xad-dhaafka ah ee shaqaalahoodu u joogaan.Dalka Itoobiya dhawaan ayey kooxdan ku biirtay. Waxay u dirtaa dalalka carabta qaarkood shaqaalaha guryaha ka shaqeeya. Dawladaha diraya shaqaaluhu waxay, intooda badani, heshiisyo la galeen dawladaha dalalka qaadanaya shaqaalaha iyo qandaraaslayaal fuliya heshiisyada la kala saxeexday. Qaarkoodna waxay la galaan heshiisyo shirkadaha qandaraaslaha ah oo keliya. Siyaasadaas furfuran ee dalalkaasi waxay ,si weyn ,wax uga tartay shaqo la’aantii baahsaneyd ee bulshadooda haysatay. Waxay kaloo ku-soo-biirisay miisaaniyadda dalalkooda dahkli cusub .
6) Waa maxay faa’iidooyinka tacabirku ama tahriibtu u leeyahay dalka hooyo.?
Dadka tacabirka ama tahriibta ka-samatabaxa , waxay usoo hooyaan faa’iidooyin badan dalkooda iyo dalka ay ku-sal- dhigeenba. Waxay usoo faa’iideeyaan dalkooda hooyo waxyaalaha soo socda:
1) Waxay eheladooda u soo diraan lacag badan sanad walba oo kaabta dhaqaalaha dalka hooyo.
2). Waxay maalgashi gashadaan mashaariic la xidhiidhta dhismo,ganacsi, wax-soo-saar beereyd ama warshadeed iwm.
3) Waxay aqoon iyo xirfado kala duwan oo dalka hooyo u baahanyahay kula soo-laabtaan dalkooda, wax weyna katara kobcinta dhaqaale iyo horumarka dalka
4). Waxay soo-daadgureeyaan dad badan oo eheladooda ah oo gala NOLOL cusub
(iyaga iyo carruurtooduba ) oo waxtarna u yeelan kara dalka hooyo mustaqbalka.
Dadka tacabira ama tahriiba waxay, kaloo, gacan waxtar leh ka gestaan, guud ahaan,
horumarka iyo dhaqaalaha dalka ay ku- sal- dhigeen ee magangelyo iyo shaqaba siiyey. Xogo badan oo tilmaamaya waxtarka ay u leeyihiin dhaqaalaha dalka magangeliyey ayaa
qoran oo la faafiyey.
Warbixin uu soo saaray Bangiga Aduunku ( World Bank) ayaa tilmaamay sanadkii 2010
tobanka dal ee dakhliga uga badan kasoo galo qurbajoogta. Lacagtaas oo ah BALAYIIN dolaar. Dalalkaasu waxay kala ahayeen. (1) INDIYA: 55 bilyan (2) SHIINAHA 51 bilyan (3) MEKSIKO 22.6 bilyan 4) FILIBIIN 21.3. bilyan 5) FRANSIISKA 15.9 bilyan
(6) JARMALKA 11.6 bilyan (7) BANGALADHAASH 11.1 bilyan (8) BELJIM 10.4 bilyan
(9) ISBAANISHKA 10.2 bilyan iyo (10) NAAJEERIYA 10.2 bilyan.
Dhowr sano ka hor, intaan shaqo la’aantu aanay ku habsan dalaka dhaqaalahoodu
koray ee Yurub iyo Ameerika, waxa lagu qiyaasi jiray lacagta kasoo gasha Somaliland
300 ila 400 boqol oo milyan oo dolaar.
(7). Gebagebadii:
Qodobka 23 aad, faqradiisa 1aad ee Dastuurka Somaliland wuxuu u fasaxaya muwadin kasta iyo qof wal oo ajnebi ah oo degan dalka inuu xaq u leeyahay inuu
guur-guuri karo,degina karo meelkasta uu rabo. Wuxuu kalo xaq u siinaya inuu dalka
ka bixi karo, kuna soo noqon karo markuu doono.
Waxaa kalo jira sagaal heshiis oo caalami ah ( International human rights instruments) oo qeexaya ilaalinta iyo dhowrida xuquuqda dadyowga tacabiraya ama tahriibaya. Heshiisyadaas caalamiga ahi ee Qaramada Midoobay soo saareen waxa ugu horeeya heshiiska caanka ah ee loo-yaqaano ” The International Convention on the Protection of the Rights of All Migrant Workers”. Waxa , iyana, dhaqan galay heshiisyo caalami ah oo la xidhiidha shaqada Iyo shaqaaleynta dadkaas markay saldhigaan dalalka magangelyada siiyey. Heshiisyada waxa ku suntan ILO da waxaanay yihiin:
>>>>> .Convention No. 97: Migration for Employment Convention (Revised) ,1949.
>>>>> Migration for Employment. Recommendation No 86 (Revised), 1949.
>>>>> Convention No. 143: Migrant Workers (Supplementary Provisions), 1975.
>>>>> Migrant Workers Recommendation No. 151 of 1975.
Gebagebadii, waxaan kula talin lahaa xukuumadda Somaliland, ganacsatada ,bulshada rayidka ah iyo, guud ahaan, shacbiga in sida hadda loo fahamsanyahay tacabirka ama tahriibta looga diga-rogto wadatashi ka qotadheer oo kafada -miisaanka lagu saarayo faa’iidooyinka iyo khasaaraha uu tacabirku ama tahriibtu u leeyahay dalka iyo dadkaba.
Waxaa loo baahanyahay in su’aalo layska weydiiyo koboca iyo higsiga dhaqaalaha Somaliland iyo inay muuqato, hadda iyo mustaqbalka dhow Iyo ka fogba, in dhaqaalaha dalku uu abuuri karo kumanaan shaqo oo kala duwan oo kafaala-qaadaaya dhalinyaradeena camal la’aanta la dhex-wareegeysa suuqyada magaalooyinka Somalialnd. Haddii jawaabtu noqoto “HA”, waa Ilaahay mahadee. Haddii kalese
way adkaneysa in hadal madhan oo madhaleys ah oo natiijo la’aan lagu sii madadaaliyo dhalinyarada iyo bulshada Somaliland .
Waxaa hadda cadaatay inay dhalinyarada iyo waalidiintooduba ay dhegaha ka fureysteen guubaabinta natiijo la’aanta ah. Daliilkuna wuxuu yahay iyadoo tacabirkii ama
tahriibtii ay afar boqol laabantay, saadaashuna tahay inay sii kordhi doonto.
Wadatashiga lagu taliyey wuxuu bulshada u faa’iideen doona arrimaha soo socda:
1). Tacabirka ama tahriibta oo si qotadheer loo fahmo, markii lala saaxiibana, sida
dalaka qarkood sameeyeen, faa’iidooyin badan laga midho- dhalin karo.
2). Waxa la arki doona baahida balaadhan ee loo qabo in Siyaasad togan
oo istraatiijiyad cad oo waxqabad xambaarsan oo lagu wada- kalsoonyahay la qaato.
3). Waxa ka abuurmi kara wadatashiga aqoon cusub iyo cilmi-baadis
saadalin karta muruqmaalka ( human manpower) dhinacyada dhaqaalaha ee dalka
looga baahanyahay 50ka (kontonka) sanadood ee socda iyo shaqo- abuurka loo
baahnaan doono in la sameeyo oo xukuumaddii timaadaba u sahleysa in qorshahaas
ku socoto siina qurxiso.
4). Waxa laga ogaan doona wadatashiga, ahmiyada weyn ee loo qabo isku-xidhka iyo
Isku-dheelitirka wax-soo-saarka waxbarashada ( min dugsi hoose-dhexe ilaa
Jamicadeed) iyo suuqa shaqada ( labour market) si saadaalinta dhaqaalaha
dalka iyo shaqo-abuurka dhalinyarada wax- baratay loo qorsheyn karo.
5). Dhibaatada ugu weyn ee hadda Ina-haysta ee u baahan in sii aqooni ku
dheehantahay loogu hortago, intaanay faraha ka bixin, waxay tahay jaamicadihii ( oo mashaa alla) sii tiri badanya, balse intooda badani isku waxna dhigaan, soona saaraan kumanaan dhalinyaro ah oo shahaadooyin la siiyey ,iyadoo nidaamkii shaqo-abuurka
ee suuqa shaqadu annu disneyn. Waxa intaas raaca iyadoo, nidaamka musuq-maasuqa ah ee loo yaqaano ” qaataye qaado” ee shaqaalaha dawlada lagu shaqaaleysiiyo
uu si taban usii xumeeyey fursadihii shaqo ee koobna ee loogu tartami lahaa si cadaalad ah.
Ugu dambeyntii, waxaan bulshada Somaliland uga digaya in aynu ku fadhino BAM markuu doono inugu qarxi kara oo waxyeeleen kara nabadgelyada aynu ku naaloono;
haddii aan laga wadatashan,waxna laga qaban shaqo- la’aanta dalka ku habsatay, gaar ahaan, ta dhalinyarada waxbaratay ee sanadwalba sii kordhaya haysata. Caqli
dhalinyaro oo fayow iyo shaqo la’aan waa lakala ilaaliya, Haddii caqliga fayow uu
mutacaafinimo iyo aqoon ku darsadana, kaba sii daran. Waa kaas BAMKA aynu ku
fadhina, inakoo ka dhoohan.
SDN/QJ–Hargeysa