|

Ruushka oo duyuurado dagaal geeyay dalka Syria iyo walaaca reer Galbeedka

Dimishiq Sept 20,2015(SDN/QJ)-Dalka Ruushka ayaa duyuuradaha dagaalka iyo gantaalada ridada dheer geeyay xarun ciidameed oo ku taal degaanada kooban ee weli gacanta ugu jira madaxweyne Bashaar Al Asad.

Ruushka ayaa u muuqda in uu ka jawaabayo cadaadis dhaqaale iyo mid ciidan oo sanadihii u danbeeyay uga imanayay dalalka reer Galbeedka.

Dawladaha reer Galbeedka ayaa tilaabadan Ruushku qaaday walaac ka muujiyay ciidamada iyo qalabka ciidan ee Ruushku geeyay Syria.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay in dalkiisu gacan ka geysanayo la dagaalanka daacish.

Reer Galbeedka ayaa ka walaacsan isku dhac dhex mara ciidamadooda dagaalka kula jira Daacish.

Xoghayaha arrimaha dibedda ee dalka Mareykanka John Kerry oo London ku sugan ayaa sheegay in ay ka walaacsan yihiin tilaabada ciidan ee Ruushka.

si kastaba oo ay tahay dunida ayaa haatan aad u hadal heysa degaalka sii daba dheeraaday ee Syria iyo qaxootiga 5ta million kabadan ee dalkaa ka qaxay.

SDN/QJ-Dimishiq

contact@qurbejoog.com

Comments are closed