Prof Abdi Ismail Samatar VS Prof Ahmed Ismail Samatar Walaalo Kala Aragti Duwan Maxaa laga Baran Karaa? DAAWO
Hargaysa 19.Sep 2015 (SDN/QJ)- Waa Laba Shakhsi oo Walaalo ah Waxaa Wada dhashay Hooyo iyo Aabo Qudha Waa laba aqoon yahan Waxay Maanta ku kala tageen Siyaasada uu Mid kastaa aaminsan yahay oo ka dhigtay Kuwo Mabaa’diidoodu kala fog tahay
Prof Abdi Ismail Samatar Wuxuu u taagan yahay Midnimada Ummada Somaliyeed,Wuu Dareensan yahay Sida ay u adag tahay Soo noolayta Midnimadaas hadana waa Mawqif uu aaminsan yahay, Sidoo kale Prof Ahmed Ismail Samatar oo dhinaca da’da ka yar Walaalkii Cabdi sannado ka hor Wuxuu taagnaa Mawqifka Walaalkii hasa yeeshee Waayo aragnimo uu ka soo kasbaday Siyaasadaha is jiidhaya ee Somalia ayaa ku ajburtay inuu bedelo dhankii uu u socday Wuxuu qaatay inuu Wax la qabto oo Garyaqaan u noqdo Shacbiga uu dhalasho ahaan ka soo Jeedo ee Somaliland oo uu in badan qadiyadooda ka soo hor jeeday.
Hargaysa SDN/QJ