|

Xildhibaan Bukhaari Oo Guri Saddex Dabaq Ah Ka Dhistay Mooshinkii Haamaha Iyo Qiraal uu Bixiyey

Hargaysa 19.Sep 2015 (SDN/QJ)-  Xildhibbaan Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari), ayaa qirtay dhismaha guri uga socda bariga Hargeysa, kaasi oo saxaafadda qaarkeed tabisay in madaxtooyadu u binaysay, balse waxaa uu si cad u dedefeeyey in dhismaha gurigaas ay u dhisayso Madaxtooyadu, isaga sida oo kalena carabka ku dhuftay in qadarka lacagta ah ee ku baxayaa uu ka yar yahay xadiga lacagta ah ee ay saxaafaddu ku warantay.

 

Xildhibaan BukhaariMudane Saleebaan Bukhaari, ayaa hadalkan ku sheegtay mar uu la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta, waxaana uu cay iyo aflagaado qaawan kula dul kufay guddoomiyaha xisbiga Waddani oo uu sheegay in uu ka dambeeyey in dacaayado laga fidiyo.

 

”Guri sadex dabaq ah oo madaxtooyadu ii dhasayo adeer wax jira maaha waa jago yar oo anigu aan lahaa oo beri hore aan nin kasiistay 6,000 oo Dollar iminkana aan guri yar ka dhisanyo 600,000 iyo waxaa ay sheegayaan ku bixi maayaan ee 50-kun wax ka yar baa ku baxaya anaana dhisanaya cidna iima dhisayso iimana maalgelinayso lacagta yar ee ku baxaysana deyn baaba wax laygaga leeyahay”.Ayuu yidhi Saleebaan Bukhaari.

 

Xildhibaan Saleebaan Bukhaari, ayaa sida oo kale isku dayey in uu bulshada daaha ka saaro dhismaha guriga saddexda dabaq ah ee uu ka macaashay mooshinkii saqiray ee uu u gudbiyey shir-guddoonka aqalka Wakiilada, waxaana uu tilmaamay in uu jagadan uu hore u lahaa ka hor khilaafkii iyo mooshinkii Haamah ee shidaalka Bebera.

 

“Mooshinadan iyo sheekooyinkana ka hor ayaan jagadan yar lahaa, markaa waa been qaawan waxba madaxtooyadu iima dhisayso.” .Ayuu yidhi Xildhibaan Bukhaari.

 

Xildhibaan Bukhaari ayaa sida la ogyahay ku faanayay inuu keenay mooshinka Haamaha shidaalka Berbera lagu wareejinayo ee madaxtooyadu dabada ka riixaysay, kaasi oo sababay gacan ka hadalkii guddoomiye Cirro iyo Baashe, waxaanu safka hore kaga jiraan Mudaneyaasha awaamiirta madaxtooyada ka fuliya golaha wakiillada.

 

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed