“waxa aad ogaataan waxa la isku hayaa waa Somaliland Markayga, waxana weeye intii aan urursan karayey horaan u urusadee laakiin waxan doonayaa mar inaan ku wada rido.”Sheekh Aadan Siiro
Hargeysa:Sep,19,2015(SDN/QJ)-Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey(Aadan-siiro), ayaa si adag uga hadlay Khilaafyada is barkan ee ka kala taaganHoggaaminta shiguddoonka Golaha wakiillada Somaliland iyo waliba Xisbiga Talada haya ee Kulmiye, waxana uu bulshada uga digay inay la kala saftaan dhinacyada is haya.
Sheekha ayaa khudbaddii uu ka jeediyey Masaajidka Quba salaaddii jimce ee shalay ugu horrayn ku dheeraaday khilaafyada dhegaha dadka kusoo noqnoqnaya ee Loogu loollamayo hoggaaminta Kulmiye, waxana uu tilmaamay in waxa lagu muransan yahay salka ku hayso curyaaminta nolosha dadka danyarta ah,
“Labadii Toddobaad ee ugu dambaysay waxanu u joognay khilaaf aan sabab lahayn oo ah loollan u dhexeeya kooxo awood badan oo ku loollamay Islaanta miskiinada ah ee Agoonta haysata ee meel ay fadhiisato aan lahayn ee Laamida aad aragtee wax ku iibinaysa.”ayuu yidhi Sheekh Aadan Siiro.
Aadan Siiro oo hadalkiisa sii wata, ayaa ka digay in la daawado khilaafka dhegaha bulshada soo gaadhaya ee ku saabsan hoggaanka Xisbiga Kulmiye, waxana uu yidhi,“Waxan maanta talo u dirayaa Kulmiye oo maanta is cunaya, hadday iscunaan oo arrinkoodu sii fogaadana dhibaatadoodu masaajidkanay soo gaadhi doontaa Haddii aynaan Arrin keenin.”
Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey, waxa uu sheegay in Bulshadu u kala dheeraynayso taageerada kooxo danahooda wata oo Nolosha dadka inay ka macaashaan u heshiiyey,
“Dalka gebigiisii kooxaa u heshiiyey, kuwaasaynu inaguna sacabada u garaacaynaa, waxa Kulmiye maanta kooxaha u samaystay ee lagu murmayaa waa islaantaa cashuurteeda shanta boqol ah,” ayuu yidhi Sheekh Aadan Siiro.
Waxa uu Dardaaran u diray dadka khilaafkaas Kulmiye iyo cidda tartamaysa Kala Taabacsan, waxana uu usoo jeediyey inaanay taageeradooda ku degdegin, waxana uu yidhi,“Waar kuwaa is cunaya yeynaan kala raacin, waxad ogaataan waxa la isku hayaana waa Somaliland Markayga, waxana weeye intii aan urursan karayey horaan u urusadee laakiin waxan doonayaa mar inaan ku wada rido.”
Dhinaca kale Sheekh Aadan Siiro, waxa uu ka Hadlay sida ay isu beddeshay noloshii sharafta lahayd ee Dadku, isla-markaana cidda lagu faanaa u noqotay cidda Boobka caanka ku ah, “Ragganimada maanta waxa aynu u naqaanaa ninka Hantida booba, Dadkooda wada shaqaalaysiiya, Khiyaameeya Hantida umadda, Agoontu waxa ay leedahay Booba ee xataa markuu dhulka iibsannayo yidhaahda waar islaan laga tahriibay Guri ma iibinaysaa.” Ayuu yidhi Sheekh Aadan Siiro.