|

“Madaxweyne Kuwa Inaad Xabsiga ku Hubsato u Baahani waa Shuftada Dalka iyo Kuwa Adiga oo Xay ah Kursigaaga Isku Haysta ee ma aha Madax-dhaqameedka…”Barkhad Jaamac Xirsi.

Hargeysa:Sep,19,2015(SDN/QJ)-La-taliyihii hore ee madaxweyne Siilaanyo u qaabilsanaa Dadka laga tirade badan yahay  Barkhad Jaamac Xirsi, haatanna kamid ah Saraakiisha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, ayaa madaxweyne Siilaanyo uga digay inuu sii daawado xadhigga isdaba joogga ah ee lagu hayo Salaadiinta iyo siyaasiyiinta dalka, waxana uu ku taliyey in arrimaha noocaas  oo kale ah laga taxadaro.

BARKSiyaasigan oo saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa madaxweyne Siilaanyo ooh ore ugu soo ahaa la-talihiisii dhinaca Dadka laga tirada badan yahay farta ugu fiiqay cidda u baahan in xabsiyada dalka lagu guro, “Madaxweyne Cidda xadhigga u  baahani waa kuwa magacaagii, Maamuuskaagii, milgahaagii iyo mujaahidnimadii Taariikhda Somaliland kuugu taalay, kuwa hadh cad ku xalaalaysay inay xabad ku laayaan Carruurtii mujaahidiintu dhashay, kuwa adiga oo xay ah Kursigaaga isku haysta, Kuwa adiga oo xay ah Hantida qaranka kugu dul boobaya. Kuwa u baahan inaad xabsi ku habsatataa waa shuftada dalka ee salaadiinta ma aha.” Ayuu yidhi Siyaasi Barkhad Jaamac xisi.

Mudane Barkhad oo Hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay in haddii xadhiga Madax-dhaqameedku sii socdo la gaadhi xilli Kursiga madaxweynuhu muran geli karo, waxana uu yidhi,“Madaxweyne Ayaamo khayr leh baa lagu jiraaye, salaadiintuna milgo ayey qaranka ku leeyihiine xorriyadooda hore ha uga qaadin, haddii sidani sii socoto oo maalinba nin lala baxo waxad ogaataan in kursigaaga iyo kalsoonida lagu wada nool yahay ay faraha ka bixi doonto.”

Inta badan siyaasiyiinta Somaliland, ayaa si weyn u naqdiyey xadhigga Suldaan Sabayso oo habeen hore ay ciidamada Boolisku kasoo qabteen Aqalka fadhiga u ah Salaadiinta Beelaha subeer Awal, kaas oo ilaa haatan ku jira Gacanta Ciidamada Booliska.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed