|

Kenya Oo Macalimiin La’aan Al-baabada Ugu Xidhay Dhammaanba Dugsiyadii Dalkeeda Ku Yaallay

Nairobi:Sep,19,2015(SDN/QJ)-Xukuumadda Kenya ayaa amar ay maalintii shalay soo saartay ku sheegtay in laga Bilaabo Isniinta soo socota ee Toddobaadkan Albaabada loo laabi doono Iskuullada ay Dowladdu Maamusho iyo kuwa Gaarka loo leeyahay ee ku yaalla Dalkeeda, iyadoo Tallaabadan ay imanayso xilli macallimiinta dalkaas ay ku jiraan shaqo-joojin ay mushahar yari haysata kaga cabanayaan, iyadoo ay aad u yaraadeen Ardayda aadaysa Iskuullada.

pupWasaaradda Waxbarashada Dalka Kenya ayaa Maalintii shalay oo Jimco ahayd Shaacisay in Ardaydii sannadkan 2015-ka u fadhiisan lahaa Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Dhexe iyo Sare ee dalka Kenya ay kusii Nagaanayaan Iskuullada.

Xoghayaha Wasaaradda Waxbarashada Kenya, Leah Rotich ayaa Warbixin kasoo baxday Wasaaradda ku sheegtay in Wasaaradu ay dib kasoo sheegayso xilliga la furayo iskuullada dadweynaha ee ay dowladdu maamusho iyo kuwa sida gaarka ah loo leeyahay.

Sidoo kale, Warbixinta Wasaaradda ayaa lagu sheegay in Ardayda dhigta fasalka koowaad iyo Fasalka 7-aad ee Dugsiyada hoose/dhexe iyo sidoo kale kuwa dhigta fasallada koowaad iyo kuwa 3-aad ee Dugsiyada Sare aanay iskuulada aadin Tan iyo markii Shaqo-joojinta ay sameynayaan Macallimiintu billaabatay.

“Markii aan dib u eegis ku sameynay Wakhtiga Waxbarashada Dugsiyada Dhexe iyo kuwa Sare ayaa muujinaysa inaanay si wanaagsan u socon saddexdii toddobaad ee lasoo dhaafay, marka laga Reebo kuwa dhigta Fasalka 8-aad ee Dugsiga Dhexe & kuwa Fasalka Afaraad ee Dugsiga sare oo Imtixaanka kama Dambeysta ah isku diyaarinaya,” ayay hadalkeeda ku daray Rotich.

Leah Rotich ayaa sidoo kale Macallimiinta Kenya weydiisatay inay caawinta Ardayda isku diyaarinaya imtixaanka shahaadiga ah ee sanadkan 2015 ay sii wadaan. iyadoo Sarkaaladu ay tidhi. “Waxaan Rajeynaynaa in Macallimiinta Fasalka 8-aad ee Dugsiga Dhexe iyo kuwa Fasalka 4-aad ee Dugsiga Sare ay sii wadi doonaan in ardayda isku diyaarinaya Imtixaanka kama dambeysta ay ka caawin doonaan Waxbarashada.”

Dhanka kale, Xoghayaha Wasaaradda Waxbarashada Kenya, Leah Rotich ayaan sheegin in ay Walaaddiinta dhalay ardayda Kenya ay dib ugu celinayaa lacagtii ay bixiyeen intii Wax-barashadu aanay billaaban.

Sannadkii hore, markii iskuullada Kenya ay  u Xidhmeen Sababo la xidhiidha macallimiinta oo shaqo-joojin ku dhawaaqay ayuu Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda, Belio Kipsang wuxuu weydiistay walaalidiinta inay iskuullada gaarka ah lasii shaqeeyaan sidii lacagahooda loogu celin lahaa, haddii kalena loo wareejin doono ardaydooda Sannad-dugsiyeedka soo socda.

Ugu dambeyn, Jimcihii shalay ayey Golaha Imtixaanaadka Qaranka Kenya Shaaciyeen tirada ardayda u fadhiisanaysa Imtixaanaadka Shahaadiga ah, iyagoo sheegay inay ardayda Fasallada 8-aad ee Dugsiga Dhexe oo tiradoodu gaadhayso 937,467 ay Imtixaanka u Fadhiisan Doonaan Bisha November,2015-ka, iyadoo Sidoo kalena ay Ardayda Dhigta Fasalka 4-aad ee Dugsiyada Sare oo iyaguna Tiradoodu tahay 525,802 ay u Fadhiisan doonaan Imxitaanka bisha Oktoobar ee Sannadkan.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed