|

Al-shabaab Oo Xoog Kula Wareegtay Xeryo Ciidamada Dawladdu Lahaayeen

Yaqbari-weyne:Sep,18(SDN/QJ)-Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Deegaanka Yaaqbari-weyne ee Gobolka ee Gobolka Sh/Hoose, waxa ay xooggaga Al-shabaab weerar qorshaysan saaka ku qaadeen Xeryo ciidamada Militeriga somala halkaas ku lahaayeen.

waroSaaka Waaberigii ayaa mar-qura kusoo tooseen Shacabka Deegaanka Dhawaqa Rasaasta iyo Daryinka Hubka Culus oo ay is-dhaafsanayeen Al shabaab iyo Ciidanka Militariga ee ku sugan Saldhigyada la weeraray.

Wararku ay sheegayaan in Dagaal Fool-ka-Fool ah oo Mudo Saacado ah socday kaasi oo Khasaaro gaadhsiiyeen Labada dhinac, inkastoo aan la ogeyn inta ay la egyihiin Khasaarooyinka Dhimasho iyo dhaawac ee soo gaaray.

Warar kooxda Al-shabaab baahiyeen, ayaa sheegaya inay halkaas gacanta ku hayaan, isla-markaana ay qudha ka jareen Tiro badan oo ciidamada kamid ahaa.

Al shabaab waxay sheegeen inay ku dileen Weerarka Askari badan, sidoo kalena ay Hub badan kasoo qabsadeen Ciidanka DFS ee ay Weerarka ku qaadeen Saakay Deegaanka Yaaqbari-weyne.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed