|

Fadhigii Golaha Wasiirradda Oo Lagu Ansixiyay Siyaasadda Naafadda Iyo Afhayeenka Madaxtooyadda oo Dhaliilo u soo Jeediyay Warbaahinta DAAWO

Hargeysa, 17,Sep 2015 (SDN/QJ)-   Fadhigii maanta ee golaha wasiirada ayaa lagu ansixiyay siyaasada horumarinta naafada Somalilnd, Afhayeenka Madaxtoyada Somalialnd Md: Axmed Saleebaan Dhuxul ayaa ka hadlay waxyaabaha layskula soo qaaday fadhigii maanta ee golaha wasiirada ,waxanu bayaamiyay in la soo hordhigay lana ansixiyay xeerka Siyaasada naafada Somalilnd waxanu sidaasi ku sheegay mar uu maanta warbaahinta kula hadlayay xarunata qasriga Madaxtoyada waxanu yidhi .

“Fadhigii maanta ee golaha wasiirada waxa lagu ansixiyay arrin muhiim ah oo ah siyaasada horumarinta naafada qaranka ,Xukuumadan uu hogaaminayo Madaxwayne Silaanyo waxay muhiimada siinaysaa horumarinta naafada dalkani nafaduna waa qayb aan laga marmay,xukuumad iyo shacaba in lays barbar tago ayaa muhiim ah ”

Afhayeenka Madaxtoyada oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Madaxwaynha Somaliland hore ayuu u soo saaray wareegto uu ku farayo wasaardaha oo dhan in tixgalin la siiyo naafada dalka ,in ay u fududeeyaan hawlaha naafada ”

Afhayeenka Madaxtoyada ayaa sharaxay qaabka loo ansixiyay xeerkaasi siyaasada naafada waxanu sharaxay doorka ay ka ciyaarto xukuumadu ilaalinta iyo kobcinta naafada waxnu yidhi

“Wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshada Dr.Cabdi Aw daahir waxa uu golaha hor keenay syaasada naafada qaranka golaha wasiiraduna duuduub ayay arrintasi ku ansixiyeen Xukuumada Madaxwayne Silaanyo waa Xukuumadii ugu waxqabadka badnayd xaga naafada iyo dhinac kastaba ,meelo badan baa loo sameeyay ,wasaarada waxbarashadana waan ku hambalyaynayaa oo xil wayn iska saray ”.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed