|

Xukuumaddu Weli Kamay Quusan Damaceeda ah in Golaha Wakiiladdu ansixiyo Mooshinka Wareejinta Haamaha Berbera

Hargeysa, 17,Sep 2015 (SDN/QJ)-  Mooshinka xukumaddu dabada ka riixayso ee lagu rabo in lagu wareejiyo haamaha shidaalka ayaa wali xukumaddu danaynaysaa in golaha wakiillada laga xalaaleeyo. Xildhibaan Axmed Diiriye Nacnac oo hormuudka muxaafadka ugu jira wakiillada ka mid ah ayaa sheegaya inay haboon tahay in golaha la hor keeno mooshinka marka uu dib u furmo fadhiga wakiillada.

 

aminarts-mooshinkaWaa in kal-fadhiga la iskugu yimaada, oo la wada hadlaa, si sharci ayaanu ku doodaynaa, Mooshinka waa in halkiisi la soo dhigaa, Mooshinkuna waa xaq sidii kii hore loo keenay ayaanu kana u keenaynaa, wax mushkilada maaha, ee Wadanka sumcad xumada ha laga daayo, oo qalaanqalka ha laga saaro, mar haddii uu Madaxweynuhu soo celiyey waa sharci oo sharciga ayaa qoraya in la hor keeno Barlamaanka, oo ama aanu diidno, ama aanu ogolaano, waana sharci mooshinkani, xeer hoosaadkiina wali lama ansixin, xeer hoosaadkana waa ka aanu diidanahay, ee ay ka dhigeen Shaadh ay iyagu gashadeen, walina waxaanu ku shaqaynaynaa xeer hoosaadkii hore,” ayuu yidhi Xildhibaan Nacnac oo Geeska Africa u waramay.

Geesta kale farshaxanka Aamin Caamir, ayaa sawirro uu ku muujinayo sida xukumaddu ugu heelan tahay wareejinta haamaha shidaalka Berbera, islamarkaana fikir iyo aduun ba ugu bixinayso ku muujiyay sawir kartoono uu soo saarayay maalmihii u dambeeyay.

 

Comments are closed