|

“Hawsha Cabdiraxmaan Cirro iyo Baashe Golahayga ma dhaafayso, Goluhuna waa Gole qaynuuniya, waxaana la isku hayaa waa qaynuuni” Xil Qabile

Hargeysa, 17,Sep 2015 (SDN/QJ)-  Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa sheegay in soo afjarada iyo dhamaynta khilaafkii iyo gacan ka hadalkii dhawaan dhexmaray Guddoomiyaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Cirro)  iyo Guddoomiye ku xigeenka Wakiilada Baashe Maxamed Faarax  inay Golaha u taalo oo ay dhexdooda ka dhamaysanayaan.

 

QABILEXildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo Wargeyska Geeska Afrika wareysi gaar ah siiyey ayaa sidoo kale waxa uu u digay Shirkadaha doonay inay la wareegaan Haamaha Shidaalka, waxaanu ugu baaqay inay ka feejignadan, waxaanu yidhi “Hawsha Cabdiraxmaan Cirro iyo Baashe Golahayga ma dhaafayso, rajo wanaagsana waanu ka qabnaa inay ku dhamaato sida waafaqsan nidaamka Barlamaanka, mana jeclin in farogelin cid kale noogu timaado, meeshii baqo yaalo ayaa cid kale loogu yeedhaa oo la soo dhex galaa, ee Golaha Wakiilada waxa aan filayaa inuu khilaafkiisa dhabarka u rito, markaas iyada oon Guurti iyo cid kale noo iman khilaafkan waanu dhamaynaynaa, Golaha waa Gole qaynuuniya, waxaana la isku hayaa  waa qaynuuni”.

 

Xildhibaan Qabile ayaa mar uu ka hadlaayey Haamaha ayaa yidhi “Haamahu waxaa macaamilo gali kara wey ka weyn yihiin, waxa la isku hayaana waa wax qaanuuniya, qoladan Shiraduhuna inay ILLAAHAY u mahadnaqaan ayey ahayd maahana in Shilinkoodu kala qiimo weynaado Qaranimada Somaliland.”

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed