|

“Haddii Wareejinta Haamahu Dhacdo Waxay Ka Dhigantay Dalka Sharci Ma Jiro..” Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani

Hargeysa, 17,Sep 2015 (SDN/QJ)-Xoghayaha guud ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Maxamed Cabdilaahi Uurcade, ayaa luuqad adag kula hadlay madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadiisa, isaga oo sheegay hadii sharciga dalka ay ilaalin waayaan inuu madaxweynuu suuqa ku soo noqon isaga oo rayid ah.

 

UurcaddeXoghayaha guud ee xisbiga Waddani ayaa si adag uga soo horjeestay wareejinta haamaha shidalka waxaanu madaxweynaha ugu baaqay in uu sharciga dalka ilaaliyo. waxa uu arimahan kaga hadlay xighayahu warasi uu siiyay telefishanka Star, waxaana hadalkiisa ku bilaabay sidan; “Haddii wareejinta haamahu ay dhacdo waxay ka dhigantahay dalka sharci ma jiro anaga ayaa waxaanu doona samaynayna, taasina maaha mid suurto gal ah iyo wax cidi aqbalayso, waxaanay ka dhigantahay in faraha laysula tagayo, waxaanu leenahay madaxweyne ka joog adiga ayaa madaxweyne ah hadii faraha laysula tagana suuqii aad joogi jirtay baad ku soo noqon, waxay nala tahay inaad ixtiraamto nidaamka iyo shuruucda dalka, go’aanka golahana aad raacdo, hadii aad go’aankaas golaha raaci waydo, iyagana umada ayaa soo doortay adigana umadda hadaad diido tooda taaduna socon mayso, waxaanu leenahay danbaa kuugu jirta inaad u hogaansanto go’aanka golaha. hadii aad leedahay dalkani jirimaayana waxaanu ku leenahay wuu jirayaa adigaana hawlyar oo ka tegi doona.”

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed