|

“Maxaanu Cirro Iska Agfadhinaa Haddaanaan Wada-tashanaynin….”Guddoomiye Baashe.

Hargeysa:Sep,17,2015(SDN/QJ)-Guddoomiye-ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Somaliland Md Baashe Maxamed Faarax, ka Hadlay halka uu marayo Dhexdhexaadintii laga dhex waday isaga iyo Guddoomiyihiisa iyo waliba Wada hdalka uu Prof Cali Khaliif ku baaqay inuu Somaliland la geli doono.

guddoonkaGuddoomiye Baashe oo Saxaafadda Kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa ugu horrayn si weyn usoo dhaweeyey dhawaaqa wada hadalka uu Cali khaliif ku baaqay, “Waan maqlay inuu yidhi wada-haddal baanu Somaliland la furaynaa waana kii aanu awalba raadinaynay, dadkuna marka ay wada hadlaan uunbay is afgartaan, waana soo dhaweynaynaa.” Ayuu yidhi Baashe Maxamed Faarax.

Guddoomiyaha oo ka Hadlay khilaafka kala dhexeeya Guddoomiye Cirro, ayaa tilmaamay in wada-tashiga labada massuul muhiim yahay shaqada golaha, isagoo Su’aal geliyey Is agfadhigooda, waxana uu yidhi,“in la wada tashado uun weeye waxa meesha yaalla iyo waxaasi maxaynu ka yeellaa waanu is dhinac fadhinaaye maxaanu isku dhinac fadhinaa haddaanaan tashanaynin.”

Baashe Maxamed Faarax, waxa uu intaas ku daray in Xeer hoosaadka Goluhu kamid yahay waxyaabaha muranka saldhigga u ah, isla-markaana wax-ka-beddel lagu samaynayo hadda,

“Xeer hoosaadku waa yaallaa, haddana lagama wada hadlayee waxa uu ku jiraa dood lagu beddelayo, xeer hoosaadka cusub baana aanu sugaynaa inta uu soo dhammaaanayo. Khilaafkii horena xeer hoosaadka ayuu ka dhashay.”ayuu yidhi Baashe Maxamed Faarax.

Mar su’aal laga weydiiyey Guddoomiye Baashe halka wada-hadalladu marayaan, ayuu ku jawaabay,“anigu wali maan arag Ergo Guurti”

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed