|

Madaxweyne Obama Oo Qasrigiisa Ku Casuumay 14-Muslim ah Oo Muddo U Xidhnaa Saacad Uu Gacantiisa Ku Sameeyey

Irving:Sep,17,2015(SDN/QJ)-Madaxweyne Obamaha Maraykanka, ayaa qasrigiisa ku casuumay Axmed Maxamed oo ah 14 sano jir Muslim ah oo dhigta dhigta dugsiga dhexe ee magaalada Irving, ee gobalka Texas, kaas oo Boolisku muddo saacado ah xabsiga ku hayeen Markii Saacad uu gacantiisa ku sameeyey loo maleeyey Bamnaano.

Barack-Obama-Ahmed-Mohamed-1-348x280Axmed oo ah arday jecel inuu gacantiisa ku sameeyo qalab kala duwan ayaa doonayey inuu macalimadiisa tuso saacada uu sameeyey, balse Maamulka Iskuulka uu dhigto ayaa Booliiska u yeedhay kadib markii ay ka shakiyeen saacada oo ay ku tilmaameen Waxyaalaha Qarxa, dhacdadan oo la yaab ku noqotay shacabka Maraykanka.

Booliiska ayaa Axmed geeyey saldhiga iyagoo wareysi ka qaaday isla markaana intii ay hayeen u diiday inuu waalidkiisa waco, balse Axmed ayaa xabsiga laga siidaayey kadib markii Waalidkiisa ay tageen saldhiga lagu hayey, arrintan oo laga yaabo in Qoyska Axmed ay dacwad kusoo oogaan Booliiska magaaladaasi oo si sharci daro ah ku xidhay cunugan aan qaangaadhin oo aan wax danbi ah gelin.

Dhacdadan ayaa si weyn looga hadal hayaa baraha ay dadka kuwada sheekaystaan ee Internetka iyadoo dad badan ku tilmaameen falkan mid cunsurinimo maadaama ardaygan uu yahay Muslim, halka kuwo kale ay cambaareeyeen maamulka iskuulka iyo Booliiska oo ay ku tilmaameen kuwo aanba caqli lahayn hadii ay isku khaldeen Saacada Axmed iyo bambaano.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed